Uncategorized

Obama:Waan aqbalay musharaxnimada xisbiga Dimuqraadiga ee 2012

Charlotte Sept 07,2012(SDN)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa shir weynaha xisbigiisa ka sheegay in uu mar labaad ka aqbalay xisbigiisa Dimuqraadiga in uu isu taago tartanka madaxtinimada Mareykanka.

Madaxweyne Obama ayaa tartan adag kula jira musharaxa xisbiga Jumhuuriga ee Mitt Romney.

Madaxweyne Obama ayaa soo bandhigay khudbad dheer oo uu u ga waramayo waxa uu qabanayo hadii dib loo doorto.

Sidoo kale waxa uu sheegay Obama in ay Mareykanku kala doortaan laba fikradood oo kal duwan oo hor yaal.

Midi waa kiise waxa uu sheegay in uu u taagan yahay xaq,canshuur dhimid danyarta loo sameeyo,canshuur kordhin lagu sameeyo maal qabeenada iyo isku filaasho shidaal.

Shir weynaha xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku soo gunaanadmay yidiidiilo ay muujinayeen taageereyaashaa xisbigaasi oo aan hore ugu jirin.

SDN-Charlotte

contact@somalidiasporanews.com