Garoowe Sept 10,2012(SDN)-Maamul goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dawlada dhexe ee Soomaaliya ay ka musuqmaasuqday deeq waxbarasho oo loogu talo galay ardeyda dalka wax ka barata.
Wasiir ku-xigeenka waxbarashada Puntland Md Cabdiraxmaan Diiriye Carab oo saxaafada Garoowe ugu waraamay ayaa sheegay in dawlada dhexe aaney deeqda waxbarasho u maamulin sidii loogu talogalay.
“Dawlada KMG ahi uma qeybin maamulada deeqda Waxbarasho,taasina waxa ay lidi ku tahay heshiisyadii labada dhan ay hore u wada galeen”ayuu yiri wasiirku.
Sidoo kale wasiirku waxa u si toos ah isdabamarinta ugu eedeeyay wasaarada waxbarashada ee dawlada dhexe ee Soomaaliya.
Wasiir ku-xigeenku waxa uu ugu baaqay dawlada cusub ee Soomaaliya in ay u hogaansanaato heshiisyada,isla markaana ay cadaalad u qeybiso deeqaha wax barasho.
Ma aha markii u horeysay ee Puntland ay sheegto in deeq waxbarasho laga qadiyay,sanadkii hore ayay aheyd mar arday reer Puntland ah laga qadiyay deeq waxbarasho oo ay bixisay dawlada Turkiga.
SDN-Garoowe
contact@somalidiasporanews.com
