Uncategorized

Xildhibaan Ku Faanay Inuu U Guul-wadeeyo Kolba Xisbul Xaakimka Dalka Mucaaridnimadana ay Kala Xanaaqaan

Berbera Sept 10,2012(SDN/Hubaal)-Guddoomiyaha Golaha deegaanka ee Degmadda Berbera ahna Maayarka Magaalada Berbera Cabdalle Maxamed Cali ayaa Shaaciyay inuu Mar kale isu soo Taagayo doorashada xildhibaanada golaha deegaanka ee Berbera, isaga oo iska sharraxay Xisbiga talada Haya ee KULMIYE.

Sidaana waxa uu ku sheegay xaflad ay Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE u soo bandhigeen Murrashaxnimaddiisa oo shalay lagu qabtay Hotel-ka Maansoor ee Magaalo-xeebeeda Berbera. Xafladan oo ay ka qayb galeen Badiba Golaha wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE, Mas’uuliyiinta heer gobol/degmo ee gobolka Saaxil, Taageerayaasha Murrashax Cabdalle iyo  Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina Sheekh Maxamuud Jirde (Aamina-Weris).

Ugu Horeyn Waxa Munaasibaddaas ka hadlay  Guddoomiyaha  xisbiga KULMIYE ee gobolka Saaxil Cabdi Yaasiin Axmed ayaa soo dhaweeyay murrashaxnimada Maayarka Berbera uu iskaga soo sharraxay Xisbiga KULMIYE isaga oo hore uga mid ahaa kana soo baxay Xisbigii UDUB waqtigii uu Muxaafadka ahaa.

Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi,  oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay muddo saddex sano ah dabo-socdeen sidii Maayar Cabdalle uga mid noqon lahaa xisbiga KULMIYE, “Saddex sanno  in ku dhaw  ayaan daba socday Maayor Cabdale sidii uu xisbigayaga ugu soo biiri lahaa waayo waxa aan ogaaa kartidiisa iyo waxqabadkiisa..” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE

Muuse Biixi isagoo ka ka hadlaya muhiimada ay u leedahay guusha Kulmiye ku soo xerogeliyay Cabdalle Maxamed Carab, ayaa waxa uu yidhi, “Waxaan xalay (Habeen hore)  ka soo kicitimay magaalada Boorame, oo aan soo baalmaray Hargeysa oo hawlo badani ii yaaleen, sababtuna waxay ahayd inaan reer Berbera kala qaybgalo Maayarka bulshada Berbera wax u qabtay xafladiisa, oo aan goobjoogna ka ahaado.”. Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu shacabka Reer Berbera ku dardaaray inay codkooda ugu deeqaan Maayar Cabdalle,  “Si uu wixii uu u qabtay Berbera halkaa uga sii qaado.”ayuu yidhi. Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed, ayaa ka hadlay sababta uu ku doortay inuu iska sharraxo  xisbiga KULMIYE “Waxa aan idiin sheegayaa sababta aan Kulmiye u galay, oo ah inay  madaxda xilka haya u dhaafaan shaqadooda, sidoo kalena ay marwalba la socdaan hawlahaanu hayno halka aay marayaan, haddaan la wada shaqayna waxba ma socdaan, waxaanay marwalba nagu kormeeraan shaqada aanu qaranka u hayno.”

Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab oo mar labaad isu soo taagay inuu ka qaybgalo tartanka Doorashada Goleyaasha Deegaanka Dalka, oo munaasibada ka hadlay, ayaa u mahadnaqay madaxda iyo martisharafta ka soo qaybgashay munaasibadda uu ku shaaciyay murrashaxnimadiisa, sidoo kale waxa uu u mahadnaqqay shacabka reer Berbera oo uu sheegay inay garabkiisa istaageen mudada uu xilka hayay.

Xildhibaan Aadan Xaaji Diiriye Dirir (Sanqoole) oo kamid ah Mudanayaasha golaha wakiillada ee ka soo baxay gobolka Saaxil oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay Siyaasi ahaan iyo shakhsi ahaanba iyagu mar kasta saaxiib la yihiin Xisbul Xaakimka, isla markaana ay aanay mucaarad ahayn, “Waanigii  hore  u Idhi annagu kolba waxaanu nahay  xisbiga Talada dalka  haya” ayuu yidhi Md. Sanqoole. Waxanu intaa ku daray “Mucaaridnimada ma naqaano maanta tii uun baaan leeyahay .” ayuu yidhi Aadan Xaaji Diiriye Dirir (Sanqoole).

SDN-Berbera

contact@somalidiasporanews.com