Uncategorized

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo Ka Qayb galay Xaflad lagu Sagootiyay Dufcaddii 12aad ee Jaamacadda Camuud

Boorama Sept 09,2012 (SDN/Hubaal)- Munaasibad loo sameeyay dufcaddii 12aad ee ka qalinjebisay jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama ayaa shalay lagu qabtay hoolka Jaamacaddaasi. Dufcaddan oo ka kooban 523 arday ayaa ka aflaxay Siddeed Kulliyadood oo  kamid ah Kow iyo Tobanka Kulliyadood ee ay ka kooban tahay Jaamacadda Camuud.

Xafladda loo sameeyay Qalinjebinta ardaydan waxa ka qayb galay Wefti sare oo ka socda Xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), isla markaana ay ka qayb ahaayeen masuuliyiin ay kamid tahay Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare Samsam Cabdi Aadan.

Gudoomiyaha jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo xafladaasi ka hadlay waxa uu kaga waramay qaybaha jaamacada cammuud oo ka kooban Kow iyo Toban kulliyadood ay aradaydan maanta qalin jebinaysaa ka aflaxeen Sideed kuliyadood oo ka mid h jaamacadda.

Guddoomiyuhu waxa uu  Xukuumadda Somalialnd uga mahad-celiyey doorka ay ku leeyihiin habsami u socodka hawlaha jaamacadaha dalka gaar ahaan jaamacadan Cammuud. Waxanu Sheegay in ardayda waxbarashada ka hesha jaamacaddu ay ka kala yimaadaan guud ahaan deegaanada afka Soomaaliga lagaga hadlo. Wasiirka Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Samsam Cabdi Aadan oo iyana munaasabaadaas ka hadashay ayaa sheegtay in waxbarashdu tahay ta horumarka lagu gaadho jaamacadda Cammuud ku tilmaantay mid hormuud u ah waxbarashada somaliland isla markaana ay mudan tahay ku dayasho wanaagsan.
Marwo Samsam waxay aad ugu mahadnaqday maamulka jaamacadda oo dadaal badan muujiyey halka sidoo kalena ay u hambalyaysay Ardaydii qalin jebinaysay.

Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo geba-gebadii munaasabadaasi hadal ka jeediyey ayaa waxuu sheegay in xukuumadda Somaliland mudnaan weyn siisay kor u qaadista dhinaca waxbarashada mudadii labada sano ahayd ee u dambeeyayna guud ahaan waxbarashada kor loo soo qaaday heerka hoose ilaa heerka sare, iyadoo kumanaan macalimiin ahna la hawlgeliyey.

Saylici waxa uu xusay in hadda diirada la saarayo sida shaqooyin loogu abuurayo ardayda wax ka barata jaamacadaha dalka waxana uu ugu dambayntii shahaadooyin halkaa ku gudoonsiiyey ardaydii ka qalinjebisay kuliyadaha kala duwan ee jaamacadda Cammuud oo tiradoodu gaadhaysay 523 arday.

SDN-Borama

contact@somalidiasporanews.com