Hargeysa Oct 10,2012(SDN/Hubaal)- Mid kamid ah Musharraxiintii u tartamayay doorashadii Madaxweynaha ee bishii hore ka dhacday dalka Soomaaliya ayaa haatan safar aan ujeedadiisa la garanayn ku yimid Dalkan JSL.
Musharraxan oo Barnaamijkiisii siyaasadeed ee uu hor dhigay Baarlamaanka ee uu kula tartamayay musharraxiinta kale ku caddeeyay inaanu aaminsanayn wax la yidhaa Somaliland balse mowqifkiisu yahay mid ku wajahan midnimada Soomaaliya ayaa haatan ku sugan Caasimadda Hargeysa, iyadoo aan ilaa hadda garaneyn sifaha uu kusoo galay dalka.
Musharraxa ku sugan Hargeysa oo oo ah Yuusuf Garaad Cumar Axmed, waa Madaxii hore ee laanta Af-soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo weji gabax kala kulmay tartanka doorashadii ka Dhacday Muqdisho bishii 10-kii bishii hore ee September ee sanadkan, kadib markuu ka helay wax ka yar toban cod oo uu ku jiro codkiisu ayaa maalmihii u dambeeyay Hargeysa Jooga, iyada oo aan illaa hadda wax tallaabo ah Xukuumadda Somaliland ka qaadin imaatinkiisa iyo ujeedada safarkiisaba.
Yuusuf Garaad oo lagu Xasuusto dagaalka badheedhka ah ee uu Hay’adda uu madaxda ka ahaa ugu adeegsan jiray Somaliland iyo Qaddiyadeeda madaxbanaanida, taas beddelkeedana uu ku caan baxay buunbuuninta Xukuumadihii u kala dembeeyey Soomaaliya ee aan inta ay ka degganaayeen Muqdisho mooyee ka talin Jirin meel kale ayaa wixii ka dambeeyey markii uu ka tegey masuuliyadii uu Hayay ee uu u ban-baxay dhinaca Siyaasadda iyo saaxadda Soomaaliya waxa uu hadda ka mid yahay siyaasiyiinta sida adag uga soo horjeeda Madaxbannaanida Somaliland, isagoo ku suntan inuu yahay shakhsigii Ka hirgeliyey BBC-da beentii ugu weyneyd ee ahayd in Halgankii lagu riday Taliskii Siyaad Barre uu ka soo Bilowday 1991kii,isagoo toos u deedifeeyey jihaadkii uu ururkii dib u xoraynta qaran ee SNM ilkaha kaga guray ciidammadii Afweyne oo lagu tiring jiray kuwa ugu awooda iyo quwadda badan Qaaradda Afrika.
Lama Garanayo ujeedada uu salka ku hayo socdaalka Yuusuf Garaad ku Yimid Somaliland iyo Sababta ay laamaha Socdaalka ee dalku ugu soo daayeen dalka maadaama oo aanu haatan ahayn suxufi ee uu yahay siyaasi Mabda’ Somaliweyn huwan.
Marka aynu u soo noqono Arrinta imaatinka Somaliland ee Yuusuf Garaad oo aan haatan la ogayn siyaasaddaha qarsoon ee ka dambeeya iyo sifaha uu iskaga soo galay dalkaba waxa uu mugdi hor leh sii gelinayaa qaddiyada JSL, taasoo haddii aan tallaabo degdeg ah laga qaadin ka dhigi doonta dalka iyo qadiyaddiisaba waxba kama jiraan. Macnawiyan sidan marka aynu leenahay uma jeedno maxaa loo bartilmaameedsanayaa Ina Garaad, balse haddii aan xukuumadda Somaliland jawaab degdeg ah ka bixin waxa ay shaki la’aan u muuqanaysaa in uu waddo halaq noqdo marinkaasi oo ay iska soo geli karaan siyaasiyiinta kale ee cadawga u ah jiritaanka qadiyadda Somaliland, sidoo kalana aanu jiri doonin wax xuduud ah oo dambe oo kala xidhaya JSL iyo Soomaaliya.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
