Muqdisho Oct 10,2012(SDN)-Xarunta Difaaca xoriyada saxaafada ee Dooxa ayaa tiro suxufiiyiina oo qaraxii 20kii September Muqdisho ku waxyeeloobay gaarsiisay deeq lacago ah oo xaaladooda lagula tacaalayo.
Xaruntay ayaa suxuufiga la yidhaahdo Cabdulaahi Maxamuud Suldaanka waxa at siisay lacag dhan $2000 ,halka Maxamed Xuseen iyo Cabdikarim Gutaale oo labaduba qaba dhawaacyo kala duwan ay xarunta Dooxa ka heleen min $1000.
Lacagaha ayaa suxuufiyiintan lagu guddoonsiiyay barta caafimaad ee ay haatan ku sugan yihiin ee Daaru Shifa,tiyoo ay halkaasi xaadir ku ahaayeen masuuliyiin ka kala socda warbahinta Radi Muqdisho,Kulmiye iyo Royal TV.
Deeqahan lacageed ee ay Xarunta Dooxa ee xoriyada saxaadu bixisay ayaa waxa loo sii mariyay ururka Suxufiyiinta NUSOJ.
Xogahaya guud ee ururka NUSOJ Maxamed Ibrahim oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in deeqdan looga gol leeyahay wax ka qabashada xaalada caafimaad ee bukaanka isla markaana waxa uu u mahadceliyay Xarunta Dooxa ee deeqdan ku yaboohday.
Maxamed Xuseen oo u hadlay suxuufiyiinta ayaa isna ka mahadceliyay deeqda la soo gaarsiiyay waxaanu sheegay in kolka uu caafimaado uu hawsha warbaahineed halkaa ka sii wadi doono.
Ma aha kolkii u horeysay ee Xarunta Saxaada ee Dooxa ay suxuufiyiin Soomaaliyeed oo waxyeelo soo gaadhay ay gacan qabad siiyaan,ee waxa ay in badan gacan qabtaan suxuufiyiinta Soomaaliyeed ee colaaduhu saameyeen.
Suxuufiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hawlgala degaano aan laga tixgelin adeega ay bulshadooda u hayaan.
Soomaaliya ayaa lagu sifeeyay gooba dunida ugu khatarta badan ee saxaafadu ka hirgasho.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com
