Uncategorized

Wasiirka Cadaalada ee Somaliland oo Sheegay in da’a yarta Somaliland ay yihiin kuwa ay ku faaftay adeegsiga Qabyaalada

Hargaysa 13,Jan.2013(SDN)

Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayaa maanta soo gabo gabeeyay barnaamij wacyigalineed oo ay Wadeen kooxda Ciidanka Asluubta ee Samo talis,Kaas oo lagu qabtay hoolka Hay’ada Shaqaalaha Dawlada.

Bandhigan oo ay ujeedada ugu weyni ee laga lahaa ay ku qotontay sidii bulshada looga wacyi-gelin lahaa dhaqanada hooseeya ee ay qabyaaladdu ka mid tahay ayaa waxay ka soo qayb-galay wasiirada ciyaaraha , gaashaandhiga , cadaaladda , taliyaha ciidanka asluubta,Shirkadaha Wadaniga ah iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda .

Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliland Maxamed Xuseen Xiirane oo madashaasi ka hadlay ayaa cadeeyay inay xabsiyada dalka ka hirgaliyeen mashaariic horumarineed oo qayb ka qaata horumarinta maxaabiista ee kasbashada xirfado ay noloshooda ku maareeyaan,waxa uu taliyuhu xusay inay xabsiga mandheera ka sameeyeen warshad ay maxaabiistu ku bartaan farsamada gacanta waxa uu taliyaha ciidanka asluubtu cadeeyay inay ku dadaalayaan sidii ay jeelashu u noqon goob ciqaabeed balse loo arko ayuu yidhi meel ay maxaabiista ku jirtaa ka heli karaan aqoontii ay bulshada kula noqon lahaayeen marka ay dhamaystaan xadhigooda.

Waxa kale oo uu sheegay Taliyuhu in ay  dhakhaatiir iyo Garyaqaano ay geyn doonaan  jeelasha,si looga war hayo xaaladda caafimaad ee maxaabiista iyo  ilaalinta  xuuquuqda maxaabiista  .

Maxamed Xuseen Xiirane Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland waxa  uu qurbe jooga Reer Somaliland ee Dibadaka ka cosaday   in ay caawiyaan xabsiyada dalka   isagoo ku baaqay in xooga dihin ee Maxaabiistana si wanaagsan looga faa’iidaysto.

Taliyuhu wuxuu intaas ku daray in kooxda Samo-talis ay awood u leedahay wacyi-gelin buuxda oo ay bulshada ku jihayn karto ,waxaanu xukuumadda ka codsaday sidii ay Kooxdan ugu caawin lahaayeen qalab u sahla gudashada hawsha wacyigalineed.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayaa sheegay in ay kooxda Samo-talis ugu jirto kaalin wax ku ool ah qaranka isla markaana ay wasaaradiisu door mug leh ka soo qaadatay dhidibo u taagidii kooxdan.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Somaliland waxa uu balanqaaday inay Xukuumada ahaan wixii awoodooda ah ay la qaban doonaan kooxdan waxaanu ka dalbaday Wasaarada Warfaafintu sidii ay bulshada ugu gudbin lahaayeen fariinta kooxda Samo talis,Wasiirka Cadaaladu waxa uu sheegay in Qabyaaladu cida ugu badan ee haatan ku dhaqantaa ay tahay da’a yarta Somaliland ee la rabay inay meel iska dhigaan ficilada qabyaalada iyo wixii la mid ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyi gelinta ee Somaliland C.rashiid Jibriil Yuusuf ayaa ku amaanay kooxda Sama talis ee Ciidanka Asluubta barnaamijkan qiimaha leh ee ay soo bandhigeen ee ku wajahan suulinta qabyaalada iyo adkaynta nabadgalyada,waxaanu intaas ku daray in Wasaarad ahaan ay gaadhsiin doonaan bulshada inteeda kale fariinta Kooxdan.

Hargaysa SDN.