Hargaysa 13.Feb (SDN) Shil baabuur oo Iska Rogo ah,oo Galabta ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanka Gargaara iyo Degmada Lughaya ayaa waxaa ku dhintay hal qof,Afar kalena way ku dhaawacmeen .
Shilkan waxaa ku naf waayay alle ha u naxariistee Marxuun Maxamed Cilmi Jaamac, Dadka ku dhaawacmay Shilkan ayaa kala ah Maxamed Tukaale oo ahaa Wadihii gaadhigan, Yaasiin Maxamed Aw Siciid,Maxamed Caydiid Xuseen Badmaax,iyo Kirishboygii gaadhigaasi oo aan magaciisa la aqoonsan sidaana waxaa noo xaqiijiyay Gudoomiyaha Degmada Lughaya ee Gobolka Awdal C.laahi Cali Aw Nuur .
Gudoomiyaha Lughaya waxa uu Sheegay in gaadhigani uu ka soo baxay Degmada Lughaya isagoo u soo jeeday Magaalada Boorama, Gudoomiyuhu waxa uu intaas ku daray inay gurmad u fidiyeen Maamulka degmadiisu isla markaana hada lagu dawaynayo xarunta MCH-ka ee Deegaanka Gargaara.
Hargaysa SDN.
