Uncategorized

Wasiirkii Waxbarashada Jarmalka oo iscasishay markii ay Jaamacaddeedii kala noqotay Shahaadadeedii Sare, maxayse Jaamacaddu ku sababaysay go’aankeeda?

Berlin February 13, 2013 (SDN/AP)- Wasiirka Tacliinta dalka Jarmalka ayaa shaacisay inay shaqada ka tagtay ka dib markii ay Jaamacad ay wax ka baratay go’aamisay inay kala laabato shahaadadeedii sare.

Haweenayda wasiirka Waxbarashada Jarmalka Annette Schavan waxay iscasilaadeeda gudbisay markii ay caddaatay in qoraalka deraasaddeedii (thesis) ay ku qaadatay shahaadada Sare ee Ph.D. ay qaybo ka mid ah soo-minguurisay.

Siday ku warantay AP, tani waxay weji-gabax ku tahay xukuumadda Jarmalka ee ay hoggaamiso Ms. Angela Merkel, bilo uun ka hor doorashooyinka guud ee dalkaas.

Raysul-wasaare Merkel waxay Sabtidii sheegtay inay si xanuun badan ku aqbashay iscasilaada Wasiir Annette Schavan.

Todobaadkii hore, Jaamacadda Duesseldorf Heinrich waxay go’aamisay inay dib ula noqoto shahaadadii doctorate-nimada (PhD) ee haweenayda wasiirada ahayd ee Schavan, taasoo daba socotay dib-u-eegis lagu sameeyay buuggeedii qalin-jebinta ee sannadkii 1980.

Warku wuxuu intaa ku daray, in dib-u-eegistu ka dambaysay markii qore aan la garanaynin uu sannadkii hore fidiyay eedaymo xigasho la’aan qoraal la xidhiidha, kaasoo ay Wasiirku dafirtay.

Wakaalada wararka Associated Press waxay sheegtay in iscasilaada Schavan ay timi laba sannadood uun ka dib markii Wasiirkii Difaaca wadanka Jarmalka Karl-Theodor zu Guttenberg uu waayay shahaadadiisii PhD-ga, isla markaana uu shaqada ka tegay markii ay soo baxday inuu qaybo badan soo min-guuriyay buugga deraasaddii qalin-jebintiisa.

Qurbejoog.com, Berlin