Gudoomiyaha dallada guud ee ardayda jamhuuriyada Somaliland ee dalka Uganda mudane Hassan Muuse Ahmed ayaa go’aano ka soo saaray khilaafkii ka dhacay manta doorashadii Gudomiyaha Jaamacada SIKKIM MANIPUL UNIVERSITY oo hadhawna sida sharcigu yahay u matali lahaa Jaamacadaas Dallada Guud ee Midaysa Ardayda Somaliland ee USOLSA
Wuxuuna u qornaa sida tan:
1. Markaan arkay khilaafka ka dhex taagan ama ka abuurmay Jamaacadaha qaarkood.
2. Markaan arkay sida foosha xun ee loogu tuntay Hanaankii, Wanaagii, Quruxdii, Sharaftii iyo Milgihii ay lahayd doorashada hogaanka guud ee Ardaydu.
3. Markaan arkay kala qaybsanaanta baahsan ee ardaydii ku kala timiday.
4. Markaan eegay cawaaqib xumada ka dhalan karta amniga ardayda oo faraha ka sii baxaya.
5. Markaan arkay komishanka qaranka oo kalsoonidii lagu qabay ay meesha ka baxday.
Hadaba, markaan la tashaday aqoonyahanada caqliga u saaxiibka ah ee ka fog hab qabiilaysiga iyo nin jeclaysiga ee iskugu jira culimada iyo waxgaradka. Anuu dhaqan galinaya awoodaha dastuuriga uu xaqa ii siiyay ee hoos ku qoran:
1. Awoodaha Gudoomiyaha Dallada Guud
– Qodobka koowaad faqradiisa B, T, J
– Qodobka labaad faqradiisa T, J
Waxaan go’aansaday qodobadan hoos ku qoran:
1. In aan kala diray Guddidii Doorashooyinka USOLSA.
2. In muddo 3 bilood ah dib loogu dhigay doorashooyinka jaamacadaha kala ah:
· Kampala University (KU).
· Saint Laurence.
· International Health Science University
· Sikkim Manipal University
3. In la magaacibi doono sida ugu dhakhsaha badan Guddida Xalinta Khilaafadka.
4. In Kulan dag-dag ah ay iskugu yimaadan xubnaha Executive ka USOLSA
Waxaan u soo jeedinaya dhamaan ardayda ku bahooday ururwaynha USOLSA inay u hogaansamaan dhamaan qodobadan kor ku xusan.
WABILAAHI TAWFIIQ………….
Gudoomiyaha Dallada Guud ee Midaysa Ardayda Jaamacadaha Kala Duwan ee Dalka Uganda
H.E. Hassan Muuse Ahmed

