Hargaysa 16.Feb (SDN) Daahfurka Akademiyada Horumarinta Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland ayaa lagaga dhawaaqay xaflad lagu qabtay Magaalada Hargaysa.
Munaasabad balaadhan oo ka dhacday Hotel Maansoor ee Magaalada Hargaysa ayna ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid ahaayeen wasiirada wasaaraddaha Maaliyadda, Madaxtooyada iyo Ciyaaraha, xildhibaano ka tirsan golayaasha baarlamaaka iyo xubno ka mid ah golaha Deegaanka caasimadda waxaana ugu horayn faahfaahin ku saabsan dhismaha Akademiyada Horumarinta ciyaraha ka jeediyey Nimcaan Cabdi Cali isagoo ku dheeraaday marxaladihii ay bulshada Somaliland soo martay
iyo sidii ay ugu guuleysteeninay shacabka reer Somaliland dhistaan maamul iyo nidaam Dawladeed taasi oo horseeday inay Somaliland gaadhay heerka ay maanta marayso.
Dhanka kalana waxa uu sheegay inay Aasaasidda Akadamiyadan ka danbeeyeen dhalinyaro si gaara isugu xilqaantay wax ka qabashada arrimaha hormarinta iyo adeegga ciyaaraha halka sidoo kalena ay Akademiyadani ka madaxbanaan tahay siyaasadda iyo waxkasta oo ka baxasan arrimaha ciyaaraha” ,waxaanu intaa ku daray in maadaama uu dalku hada u socdo xagii hormarka ay lagama maarmaan tahay in la horumariyo dhalinyarada iyo ciyaaraha
Mas’uuliyiintii ka qayb gashay kulankaasi ayaa dhamaantood si diirran u soo dhoweeyey daahfurka Akademiyadda horumarinta dhalinyarta iyo ciyaaraha ee Somaliland.
