Hargaysa 16.Feb (SDN) Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Maroodi-Jeex Maxamed Maxamuud Jeeniyare Oo maanta qado sharaf soo dhawayn ah loogu qabtay hotel star ee Magaalada Hargaysa.
Munaasibada balaadhan oo lagu soo dhawayanay badhasaabka cusub ee Gobolka maroodijeex md Maxamed Maxamuud Jeeniyare ayaa lagu qabtay hotel star ee Magaalada Hargasya.
Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen wasiirka wasaarada gaashaan dhiga ,guriyaynta iyo gaadiidka ,dib u dajinta,wasiirka caafimaadka, wasiir ku xigeen warfaafinta,taliyayaasha astuubta iyo badaha, suldaanka guud ee beesha somaliland, qaar ka mida xidhibaanada golaha guurtida ,cuqaal ,culimo awdiin ayaa waxa si balaadhan loo soo dhaweeyay gudoomiyaha cusub ee gobolka maroodi jeex
Ugu horayn waxa ka hadlay Suldaan ka Guud ee Belaha somaliland Md Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ku soo dhaweeyay si niyad samaan iyo kalgacayl ku dheehan yahay waxanu ilaahay uga rajeeyay inuu u fududeeyo xilkaa culus ee loo igmaday
waxa kale oo ka hadlay wasiirka wasaarada caafimaadka md xuseen xoog oo soo ayaa waxa uu u duceeyay in ilaahay u fududeeyo gudoomiyaha xilka dhabarka loo saaray isaguna si daacada umada ugu shaqeeyo
wasiirka wasaarada guriyaynta iyo gaadiidka md Axmed Cabdi Xaabsade Ayaa isagu goobtaa kalmado dardaaran iyo soo dhawayn ku dheecantahay goobtaas ka jediyay
gabagabadii wax halkaa ka hadlay gudoomiyaha cusub ee gobolkan maroodijeex md Maxamed maxamuud jeeniyare oo marka koowaad tilmaamay inuu ku faraxsanyahay isku bedelka madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland md Axmed maxamed siilaanyo sameeyay maadaama isaga loo soo badalay gobolkii caasimada dalku ku taalay waxanu dhamaan masuuliyiintii goobta ku sugnayd ka codsaday inay u duceeyaan in ilaahay la garab galo oo ku asturo xilkaa culus ee loo igmaday.
Hargaysa SDN.
