Real Madrid oo 3-1 Ku Xasuuqdey Barcelona (Copa Del Rey Semi Final 2013) By Jaahuur.

Copa Del Rey-Spain-Feb-27-2013-qurbejoognews.com-Ottawa-Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu ka raajicineynaa xagaa iyo Spain iyo Copa Del Rey oo ay foodda isla galeen labada naadi ee ay xurguftu weyni ka dhaxayso waa Barcelona iyo Real Madrid.

Akhyaartay mardhaweyd waxaa lagu kala faraxashey ciyaar aad u xiisa badneyd oo la wada sugayey waxaana ka soo qeybgaley dadweyne aa u badan iyo dabacn taageerayaasha waraabowga qaba ee labada dhinac.

Ciyaartan oo ku bilaabantey weerar badan oo ay isku qaadayeen labadan kooxood waxaa aad u hurdey difaaca Barcelona,Messina waa habeenkii uu ugu aamus banaa oo goolal la’aan la caraabey.

Difaaca Barcelona ee barkinta dheereystey waxaa daqiiqaddii 13-aad rigoore ka faa’iideystey Cristiano Ronaldo shabaqana ku hubsadey,kii labaadna wuxuu u raaciyey daqiiqaddii 57-aad,kii qalbi jabkana waxaa ku macasalaameeyey daqiiqaddii 68-aad RaphaelVarane.

Haddaba Real Madrid oo final u soo baxdey waxay ka war sugeysaa Atletico Madrid iyo Sevilla hadba tii soo baxda oo ay wada ciyaari doonaan Finalka Copa Del Rey.

W/ Qorey Jaahuur

qurbejoonews.com

jjaahuur@hotmail.com