Hargaysa 03.April (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta dhagax dhigay mashaariic dan guud ah oo laga yagleelaayo Degmada axmed dhagax ee magaalada hargaysa .
Mashaaricdan aya isugu jirta sariibado saddex nooc ah, saldhigyo boolis ,mchejyo caafimaad iskuulo , masaajiddo iyo adeegyo .
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland md axmed maxamud siilaayo oo si rasmiya u dhagax dhigay mashaariicdaasi ayaa waxa Sheegay inay Farxad u tahay Dhagax dhigida Mashaariicdan oo Wax Weyn ka Taraya sida uu Yidhi baahiyaha adeega bulshada.
Geesta kale Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Somaliland Md.Xuseen Axmed Caydiid oo isaguna madashaasi ka hadlay ayaa Madaxweynaha uga mahadnaqay dhagax dhiga Xarumahan oo uu Sheegay inay Degmada Axmed Dhagax baahi wayn u qabtay islamarkaana ay wax badan kaga maarmi doonan.
Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Somaliland waxaa uu tilmaamay in dhismayaashani ay noqon doonaan qaar dan guud ah oo bulshadu ka wada adeegan toonto.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxaa ku wehelinaayay dhagax-dhigistaasi xubno ka tirsan golaha wasiirada ,taliyeyaasha ciidamada, salaadin iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada .
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Clib.mp3″]
Hargaysa SDN.
qurbejoog.com








