Uncategorized

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Dhagax dhigay Mashaariic laga Hirgalinayo Degmada Axmed Dhagax iyo Weedhii Madaxweynaha {DHAGAYSO}

Hargaysa 03.April (SDN)  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta dhagax dhigay  mashaariic  dan guud ah  oo laga yagleelaayo Degmada axmed dhagax  ee magaalada hargaysa .

Mashaaricdan aya isugu jirta  sariibado saddex nooc ah,  saldhigyo boolis ,mchejyo caafimaad  iskuulo , masaajiddo iyo adeegyo .

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland md axmed maxamud siilaayo  oo si rasmiya u dhagax dhigay mashaariicdaasi ayaa waxa Sheegay inay Farxad u tahay Dhagax dhigida Mashaariicdan oo Wax Weyn ka Taraya sida uu Yidhi baahiyaha adeega bulshada.

Geesta kale Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Somaliland Md.Xuseen Axmed Caydiid oo isaguna madashaasi ka hadlay ayaa  Madaxweynaha uga mahadnaqay dhagax dhiga Xarumahan oo uu Sheegay inay Degmada Axmed Dhagax  baahi wayn u qabtay islamarkaana ay wax badan kaga maarmi doonan.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Somaliland waxaa uu  tilmaamay in dhismayaashani ay noqon doonaan qaar dan guud ah oo bulshadu ka wada adeegan toonto.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxaa ku wehelinaayay dhagax-dhigistaasi  xubno ka tirsan golaha wasiirada ,taliyeyaasha ciidamada, salaadin iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada .

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Clib.mp3″]

 

Hargaysa SDN.

qurbejoog.com