TACSI
Guddomiyah xisbiga ucid laanta ugandha kampala khadar mohamed nour(bitijoor) waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, SHEEKH AXMED SHEEKH NUUX FURRE, oo ahaa Gudoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Golaha Guurtida JSL, oo ku geeriyoday 03.04.2013 Magaalada Hargeysa laguna aasay maanta.
marxuumka oo ahaa masuul qaran oo ummadda miisaan culus ku leh in badana ay xasuusan-donaan ummaddu doorkii uu ka soo qaatay dhib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha wada-dega Somaliland, waxaan illaahay uga baryayaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, sidoo kalena Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland-na Samir iyo iimaan uu ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
khadar mohamed nour (bitijoor)
Gudomiyaha xisbiga ucid laanta ugandha kamapala

