Uncategorized

Guddomiyaha xisbiga ucid laanta kamapla oo tacsi tiiraanyo leh uu diraya MARXUUM,  SHEEKH AXMED SHEEKH NUUX FURRE

 TACSI

 

Guddomiyah xisbiga ucid laanta ugandha kampala khadar mohamed nour(bitijoor) waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM,  SHEEKH AXMED SHEEKH NUUX FURRE, oo ahaa Gudoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Golaha Guurtida JSL, oo ku geeriyoday 03.04.2013 Magaalada Hargeysa laguna aasay maanta.

marxuumka oo ahaa masuul qaran oo ummadda miisaan culus ku leh in badana ay xasuusan-donaan ummaddu doorkii uu ka soo qaatay dhib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha wada-dega Somaliland, waxaan illaahay uga baryayaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, sidoo kalena Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland-na Samir iyo iimaan uu ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
 
khadar mohamed nour (bitijoor)
Gudomiyaha xisbiga ucid laanta ugandha kamapala