Wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland oo ah shakhsi dabayluhu kulba dhinaca oola baaxaa dagaan oo aan lahayn taariikh iyo aqoon kalsooni siisa,ayaa kolba koox jin afka ooga gala,kadibna talada dalka si khaldan u adeegsada.
Sideedii bilood ee u danbeeyay waxa uu xero go’doon ah uugu jiray wasiirku koox isku xidhan oo waliba isku beel ah(Habaryoonis),dhamaana xilal ka haya dawlada.
Aroortii marka uu xafiiska soo galo,waxa albaabkiisa isdaaga oo dhaqdhaqaaqiisa ilaaliya Bashiir Cabdi Xariir (Habar-yonis- reer caynaashe) oo ah agaasimaha siyaasada madaxtooyada.
Marka uu Bashiir Cabdi Xariir daalo,ayaa waxa uu u yeedhaa Maxamed Daahir Cukuse,Wasiirka ku xigeenka warfaafinta . CuKusina marka uu daalo,waxa uu u yeedhaa Geeljire wasiirka kaluumaysiga.
Geeljirana marka uu wakhtigiisa dhamaysto,waxa badala wasiirka arrimaha gudaha,Maxamed Nuur Caraale Duur.
Sidaa sida gaadhka looga hayo ayaa habeenkiina KAAH Hotel la geeyaa,iyadoo hareeraha lagala galo Sir,Amiir,iyo kalmada la mid ah. Waxa lagu yidhaa Amiir,hadii Somaliland lahaan lahayd toban nin oo adoo kala ah beri hore ayaa la aqoonsan lahaa,qoladan Habarjeclo ee aad ka dhalatayna waxba garan maayaan ee bilaash ayay kuu caayayaan ee ha u joojin. Tani wax ay dhalisay in uu Xirsi cuqdad ka qaado beesha uu ka soo jeedo,kana dhuunto lana coloobo waxgaradkooga,salaadiintooda iyo dhalinyaradoodaba,maadaama oo aanu ka helayn waji buuxinta iyo amaanta faraha badan ee uu kala kulmay kooxdan afduubatay.
MAXAY DHAXALSIIYEEN XIRSI KOOXDAN AFDUUBATAY?
- Kooxdani waa dadkii soo dajiyay barnaamijkii lagu fogeynayay beesha Arab,ee xabada loola dhacay Arab, ee Xisbigii Xaqsoorna ridistiisa lahaa.
- Kooxdani waa kooxda shida dabka ka baxaya gobalka Salal ee Saylac ka tirsan tahay,iyagoo Xirsi Siillanyo u soo maraya.
- Kooxdani waa kooxda xidhiidhka tooska ah la leh Madaxwaynaha Somalia,Hasan Sheikh Maxamud,toosna u wada hadashiiya Xirsi iyo Hasan Sheikh Maxamud.
- Kooxdani waa kooxda kala fogaysay hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo Madaxwayne Siillanyo,iyagoo wasiirka madaxtooyada soo dhex maraya.
- Kooxdani waa kooxda dalka keentay Sheikh Qadariga ah ee ku gabanaya wax aan dhisayaa Maxjar,balse kooxdan lacag ku siiyay sidii ay khalkhal u galin lahaayeen soosaarka shidaalka gobalka seraar.
- Kooxdani waa kooxada albaabada iskugu dhuftay xidhiidhka dalalka jaarka gaar ahaan Ethiopia.
- Kooxdani waa kooxda u badashay Xirsi Qandaraasle,halkuu ka ahaa Wasiirka.
- Kooxdani waa kooxda hindistay in dhul Isxaaq leeyahay Dahabshiil lagu wareejiyo,Xirsina dilaal ka noqdo,iyagoo sii ogaa in ay dhici karto dhibaatadii dhacday.
- Kooxdani waa kooxda sodon shirkadood iyo labaatan NGO lagu boobayo qandaraasyada haayadaha UN ta iyo kuwa dawladaba.
- Kooxdani waa kooxda hindistay fogaynta Fowsia Haji Aden iyo reebista ururkeedii.
ISMAACIIL CABDI FAARAH
BURCO,TOGDHEER.
