Uncategorized

Kuuriya Maxaa Qaaday, Ma AK47-kooda Ayaa Hoday?

Kuuriya Waqooyi baa cadhootay ayaan maalmahan dambe si xoogan media ha uga maqlaayay! Kuuriya da askarta ah ee Waqooyi waxay ku dhawaaqday, si rasmi ah, inay xaalad dagaal (state of war) kula jirto midda Koonfureed! Ila wadaag xaqiiqooyin koob-kooban oo ku saabsan labada Kuuriya:

(A) Ilaa 1955 kii, kolkii xabadii lagu hoobtay ee Gacanka Kuuriya ay istaagtay, labada wadan wax heshiis ah abidkood ma kala saxeexan, xabad-joojintii uun bay ku taaganyihiin ilaa maanta, sidaas darteed, sabab xaalad dagaal loo sheegaaba ma jirto.

(B) Kuuriya Waqooyi waxay haysataa hal milyan iyo boqol kun oo askari oo rasmi ah, kolka naftooda hurayaasha iyo ciidamada kaydka ah lagu darona, ciidankoodu waxay gaadhayaan ilaa 9 milyan.

(C) Kuuriya Waqooyi hadii dagaal buuxaa bilaabmo, quwadeeda ciidan waxay gaysan kartaa dhaawac wayn, laakiin guul ma soo hoyn karto, dagaal kana looma galo inaad dhaawac gaysato oo kaliya. Kuuriya Waqooyi waxay burburin kartaa 40% dhulka iyo dadka Koonfurta Kuuriya ah, iyo 60% dhaqaalahoda ka mid ah, laakiin ma qabsan karto, because taageero military oo buuxda ayay Koonfurtu USA ka helaysaa, xoog iyo xoog na way uga dhaqaale badanyihiin midda Waqooyiga ee askarta.

Kuuriya Waqooyi dhaqaale iyo shidaal dagaalka lagu wado ma haysato, cunaqabatayn balaadhan baa saaran, dhaqaalahoodu ma dhisna, taageero banaanka ah na (China iyo Russia), oo markan dagaalka la galaaya sidii waagii hore na ma haysato.

Kuuriya Waqooyi sadex mabda oo aasaasi ah bay ku dhisantahay, wax kasta oo ay falaysaana ku salaysanyahay: 1, In badbaadada iyo jiritaanka Kuuriya Waqooyi la ilaaliyo, 2, In labada Kuuriya la mideeyo oo Koonfurta gacantooda la soo galiyo, iyo 3, in Xukunka wadanka lagu ilaaliyo oo looga dambeeyo qoyska Reer-Yong oo haatan qofkii sadexaad ee qoyskaas ka mid ahi uu wadanka madax ka yahay.

Dagaal haatan qarxaa wuxu ka hor imanayaa qodobadaas oo dhan, Askarta Kuuriya na waxa loo malaynayaa inay taas si wacan u ogyihiin. Al-muhim, dagaal buuxa waxa ku jabaaya Kuuriya Waqooyi, sida kaliya ee ay dagaal ku bilaabi karaan na waa iyagoo askartooda ciida ka badan ee gaajoonaysa iyo AK47 kooda uun ay mahadiyaan oo xabad iska ridaan.

Waa sidii ku dhacday Soomaalida 1977 (Ogaden War), iyo Shabaab ka maanta ee ku doodi jiray inay Ethiopia, Kenya, Uganda iyo xataa USA qabsanayaan, Yemen na gurmad u dirayaan! Dagaalka casriga ah ee maantu wuxu u baahanyahay wax aad uga badan qori degta lagu qaato iyo xabadiisa. Hadii inta qori ee aad haysato, iyo inta xabadood ee aad heli kartoba qiyaas fiican laga haysto tiradooda ka waran?

Qalinkii: Mohamed Harun