London 15April13(SDN) Waxa xalay soo gaadhay magaalada London wefidi uu hogaaminayo madaxweynha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxmuud Silaanyo, madaxweynaha oo ay wahelisay marwadiisa ay dalka Ingriiska uga soo kacitimeen dalka Turkiga oo lagu wada hadalsiinaayay Somaliland iyo Somaliya.
Waxa sidoo kale caawa abaaro 11:00, habaynimo iyana magaalada London soo gaadhay waftigii la socday wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan,Gudoomiyaha barlamanka , wasiirka Arimaha Dibada.
Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay oo ay heshay shebekada qurbejoog.com ayaa xaqiijiyay in xukumada Ingriisku ay Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku qancinayso in uu ka soo qayb galo shirka ka dhici doona magaalada London bisha May.
Dawlada Ingriiska ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii shirkaasi ay ugu khasbi lahayd Somaliland in ay ka qayb qaadato, wafdiga madaxwaynaha ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda wasaarada Arimaha Dibada ee wadankan Britain si looga wadahadalo qodobada Somailand u suurto gelin kara ka qeybgalka Shirka.
Dhanka kalena waxa jira warar sheegaaya in Madaxweyne Siilaanyo uu marti qaad uu ka haysto dalka Maraykanka isla markaana uu ahalkaa u kicitimayo.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay xukuumadiisu dhawaan heshiis la sexeexatay shirkad Mareykan ah u ololeyn doonta aqoonsiga Somaliland.
Waana sababtaa ta madaxweynuhu uu u tegeyo dhawaan dalka Mareykanka si loo sii anba qaado dedaalada Somaliland ee ku wejahan sidii Mareykanka loogu qancin lahaa aqoonsiga Somaliland.
qurbejoog
Uk London
