Uncategorized

Jaaliyada Somaliland oo Canbaraysay Guddida Qabanqaabada 18 May ee UK iyaga oo sheegay inany goobtu ku Haboonayn Madaxda Somaliland iyo qiimaha lacagta lagu galayo oo anay qosasku awoodin

London 06/5/13 (SDN) Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan wadankan Uk ayaa canbareyey gudida qaban qabada xaflaada 18May taas oo ay sheegeen in goobta xaflada lagu qabanayo oo aad uga fog gobaha ay ku badan yihiin somalilanderku waxa kale oo ay shegeen in garoonka kubada Cagta anay surto gal ahayn in laysku yimado , waxa kale oo ay shegeen in qoysas badani ay ku imanayaan caruur badan  iyo qoysas wada socda oo anay awoodin lacagta intaa la eg  iyaga oo goobolada ka imanaya oo soo racayaan Taroono qaliya waxa ay ka dalbadeen xukumada Somaliland  in laga saaro qarashka lagu galayo oo ay tahay malin qaran oo aan caruurta lacag laga qadin iyo dadka waawayn waxa kale oo kula taliyeen shacabka reer somaliland inay arinkan ka fojignadaan. gabagabadii ayaa qaar ka mida hooyoyinka oo la soo xiriiray shabakada qurbejoog ayaa sheegay inay ka fakirayaan in anay  ka qayb galaan xafladan taas oo aan surto gal ahayn in malin qaran aan lacag ku bixino anaga oo dhiigaya u soo hurnay .

goobta oo ka baxsan Casimada

Goobta xaflada:  Barnet Football Club, Underhill Stadium,

Barnet Lane, Barnet, EN5 2DN

Wakhtiga :     1pm – 9pm

Taariikhda:  Saturday 18 May 2013

Qiimaha galitaanka xafladda :   £10 qofka weyn – £1 carruurta

qurbejoog.com

Uk London