(KampalaSDN) Ma xusnaa dadkaygoow
Maalin qaranku xoogiyo
Loo xulay cuduudoo
Xurmadii la kawsaday
Waa may xisaabtiye
Waxa laguu xigsiiyaa
Sideedyo toban xalaala
Xiqdigii I haystiyo
Xanuun waxaan ilooboo
Xaasidkii darnaa iyo
Ka xoroobay duulkii
Waa may xisaabtiye
Waxa laguu xigsiiyaa
Sideedyo toban xalaala
Waxaa lagu xidhi jiray
Xero ii ahaan jiray
Xabsigiyo jeelkoo
Dheefsaday xaqaygii
Waa may xisaabtiye
Waxa laguu xigsiiyaa
Sideedyo toban xalaala
Xaragadii dhulkaygiyo
Xiisahayga noloshaba
Waa lay xadidayoo
Markaa helay xaqaygii
Waa may xisaabtiye
Waxa laguu xigsiiyaa
Sideedyo toban xalaala
Amiintan xuural cayntiyo
Xilihiyo dadwaynuu
Xuska loogu soo baxay
Xayaadey ma moogtahay
Waa may xisaabtiye
Waxa laguu xigsiiyaa
Sideedyo toban xalaala
Xamdi eebe weeyoo
Xurmo weeye calankuye
Xumaan kii lamaagee
Ka xayuubi yidhiyaw
Inta ruux xabaashiyo
Ku xafidney iilkee
Aawadii xigaalkiyo
Xilihii ka maarmee
Xoolihiisi bixiyee
Xabadiyo risaastiyo
Xooga ciidan doortee
Xodaygiyo gahaydhuna
Xubnihiisa diirteen
Hadaad xaadir noqonlayd
Xaaladiisa hoosiyo
Ogaan layd xaqiiqdii
Xaraqbaa ka baxayoo
Xornimaduu u diriree
Xod xodashada dhalaankiyo
Xamar baan ku geyn laa
Xaqiiq maad tidhaahdeen
Xeeladiyo khiyaamiyo
Yeeli maayo xeradii
Lixdankii xisaab li`i
Xadhigiyo duruuftiyo
Ka dheefsaday xumaantoo
Xuduudayda gaarkaa
Xeerarkeeda guudiyo
Annaa qoran xisaabtee
Xuska maalintaydiyo
Xasilooni buuxdiyo
Dadka oo xuskoodiyo
Niyadoodu xalantoo
Xiqdi iyo nacaybiyo
Xumaantii ka ciil baxay
Waa may xisaabtiye
Waxa laguu xigsiiyaa
Sideedyo toban xalaala
Abwaan Yasin Osman (Calidhuux)
Khadarbitijoor@hotmail.com
+256791661106
OFFICE UGANDHA KAMPALA

