Hargaysa 02.June (SDN) Shirgudoonka Golaha Wakiilada,Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada,Madax dhaqameedyo iyo dadweyne Tiro badan ayaa maanta si diiran ugu soo dhaweeyay Madaarada Magaalooyinka Berbera iyo Hargaysa Aqoon yahan Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland.
Aqoonyahanka ayaa markii uu diyaarada ka soo degay uu ku dhunkaday Dhulkiisa Hooyo ee uu mudada dheer ka maqnaa,waxaana Madaarka Hargaysa ku soo dhaweeyay Xubno Wasiiro ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Madaxtooyada,Warfaafinta Kalluumaysiga,Beeraha,Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Duulista Hawada,Madaxda Xisbiyada Qaranka,Siyaasiyiin,Aqoon yahano,Madaxdhaqameedyo, iyo Qaybaha Bulshada.
Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Bada ee Somaliland Mudane C.laahi Jaamac Cismaan Geel Jire ayaa hadal Kooban oo uu Qolka Nasashada ee Madaarka ka jeediyay Waxa uu Sheegay in Xukuumad ahaan ay ku faraxsan yihiin inay dadkiisa iyo dalkiisaba ku soo dhaweeyaan Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo Mudo dheer ka Maqnaa.
Markaas kadib Aqoon yahan Axmed Ismaaciil Samatar ayaa Sheegay inuu u mahad naqayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo,oo Marti qaadkan u fidiyay waxaa kale oo uu mahadnaq u diray Wasiirada Madaxtooyada,Kalluumaysiga iyo Safiirka Somaliland ee Wadanka Kenya oo door Mugleh ka qaatay imaatinkiisa .
Prof Samatar waxa uu Xusay inaanu Sheegi Karin ereyo uu ku Muuneeyo Madaxdii iyo dadweynihii ku soo dhaweeyay Magaalooyinka Berbera iyo Hargaysa,waxaanu intaas ku daray inuu ku faraxsan yahay imaatinka dalkiisa hooyo.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/PROFAXMED(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
