London June 03,2013(SDN)-Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa shaaciyay isku bedel xilala iyo magacaw qaar kale.
Wareegtada Xilalka Xisbiga lagu magacaabay oo uuku sexeexan yahay Xoghayaha Guud ee UCID Md. Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) ayaa sidan u qoran;
“Wada-tashi ka dib waxa noo suurtogashay in aanu magacowno xilal cusub kuwa kalena aanu ku sameyno is-bedel. Xilalkaasina waxa ay kala yihiin:-
1. Ambassador Maxamed Maxamuud Aadan (Lenin) in uu noqdo Xoghaya Macdanta iyo Biyaha ee Xisbiga Ucid.
2. Cabdiladif Cumar Cali oo ahaa guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee Waqooyiga London uu noqdo Afhayeenka UCID UK.
3. Cabdixakiim Axmed Camuum oo ahaa Xoghaya Xisbiga Ucid ee Waqooyiga London waxa uu noqonayaa Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee Waqooyiga London
4. Maxamed Cabdi Ruush waxa uu isna loo gartay in uu noqdo Xidhiidhiyaha Laamaha Xisbiga Ucid ee Goboladda UK.
Waxa mas?uuliyiintaasi xil gudashadoodu u bilaabmi doonta taariikhda warqadan ku xusan iyada oo aan ku rajo weynahay in mas?uuliyiinta iyo taageerayaasha Xisbiga Ucid ee laamaha gudaha iyo kuwa dibedduba ay si fiican ula shaqeyn doonaa mas´uuliyiintaasi xilalkan cusub loo soo magacaabay.
Allah Mahad Leh”
