Ceel Afweyne 03.June (SDN) Maxkamada Gobolka Sanaag ee fadhigeeda Ceel afweyn waxay Xukuno dil iyo Xadhig ah ku riday Sadex danbiile,halka ay Xoriyadoodii dib ugu soo Celisay laba eedaysane.
Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sanaag Aadan Jaamac Saleebaan oo isaga oo ku Sugan Magaalada Ceel Afweyn Khadka Telefoonka Ugu Waramayay Shabakada Qurbejoog.com ayaa Xukunadan ay Maxkamadu riday ayaa ku kala sheegay sidan.
Saalax Aadan Diiriye 42 jir ah oo dilay Xaaskiisii Marxuumad Haweeya Aadan Ducaale waxaa lagu Xukumay 2o Sanno oo xadhig ah iyo diyadii Maxkamada ,kadib markii ay Caruurtiisii ku cafiyeen magtii.
Ismaaciiil Nuur Cige oo 25 jir ah oo si badheedh ah u dilay Marxuun Xuseen Maxamed Shire waxay Maxkamadu ku xukuntay dil qisaas ah.
Axmed Cige Xasan iyo Nuur Cige Xasan oo iyana lagu eedeeyay gacan siin iyo dhiirigelin gacan ku dhiiglaha kor ku xusan waa la sii daayay markii waxba lagu waayay .
Rooda Siciid Xidig oo Xiskeedu dhiman yahay oo wiil la odhan jiray Caydaruus Siciid Cartan Ceel ku riday waxaa magtii marxuunkaa lagu xukumay ehelkeeda iyadana waa la sii daayay.
Ceel Afweyn SDN.
Qurbejoog.com
