Konfur Africa June 4, 2013(SDN)-Maxkamad ku taala wadanka konfur afrika gaar ahaan magaalada biratooriya ayaa manta waxa ka bilaabmanaysa dhagesiga dacwad loo heesto qof ganacsade Somalia ah oo labo muwadin oo oo simbawiyaan ah ku dilay gudaha wadankasi.
Dilka uu geestay muwadinkaasi somaliga ah ayaa waxa ay sababtay carada dad badan oo konfur afrikaan ah oo boob kula kacay ganacsata kale ee somalida ah eek u ganacsata wadankaasi konfur afrika.
Qofkaasi somaliga ah ayaa lagu soo gaabiyay magacisa basher waxana horey uu uga dalbaday maxkamada in inta ay socoto dacwadisa damiin lagu sii daayo balse dowlada wadankasi ayaa ku gacansertay iyadoona midaasi loo cuskaday sharciga wadankasi oo qof ajnabi ah aan si damin ah lagu sii dayn karin.
Jaaliyada somalida ee ku sugan wadankaasi konfur afrika ayaa muwadinkasi somaliga ah u qabtay qaren la yiraahdo jooni kaasi oo u doodi doona muwadinkasi somaliga ah.
Eedenta wiilkasi somaliga ayaa waxa ay isugu jirta dilka 2-muwadin oo simbawiyaan ah iyo hub si sharci dara ah ugu heestay wadankaasi.

