Uncategorized

C/raxman Faroole oo ka dacwooday dowladda Somaliya taageerana u dalbay Jubland (Sawirro)

Nairobi June 4, 2013 (SDN)— Hogaamiyaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa dowladda Kenya taageero u weyndiiyay maamulka Jubaland ee dhawaan looga dhawaaqay Kismaayo.

C/raxmaan Faroole ayaa u sheegay Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta in Maamulka Jubland garabka uu hogaamiyo Axmed Madoobe uu yahay mid sharci ah islamarkaana u baahan taageero xoog leh oo la siiyo.

Dhanka kale Faroole ayaa Kenyatta u gudbiyay dacwad uu ka yahay dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiya Xasan Sheekh Maxamuud taasi oo uu sheegay in ay isku aruuriday Awoodii islamarkaana aysan daacad ka aheyn hirgalinta Nidaamka Faderaalka.

Faroole ayaa sidoo dimlomaasiyiinta ku sugan Nairobi u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay howlaha dalka waxaana uu ka codsaday in ay taageeraan maamulka Jubaland.

Arrintan ayaa imaaneysa kaddib markii Faroole iyo xubno kale oo ka soo jeeda Puntland iyo Jubland ay la kulmeen shalay Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuro Kenyatta.

SDN-Nairobi