Uncategorized

Shabaab oo sheegatay in ay hayaan askar AMISOM ah.

Muqdisho June 4, 2013(SDN)-Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa ku sheegatay barteeda tuwiterka in ay gacanta ku hayaan askar ka tirsan ciidamada Midowga Africa kaga sugan Somalia marka magacooda loso gaabiyo loo yaqaano AMISOM.

Xarakada waxa ay warkaaasi ay soo dhigtay bartooda ay ku shegen in askartaasi ay kusoo qabteen dagaal dhamadkii bishaan ay kula galeen duleedka magaalada Muqdisho.

Al-shabaab waxa ay intaa warkooda ku dareen in goor dhow ay soo bandhigi doonan sawirada askartaasi oo mid kamid ah yahay taliye sare oo ciidamada AMISOM ka tirsan gaar ahaan kuwa Uganda ee howgalka AMISOM qeybta ka ah.

Warkaasi lasoo dhigay barta Shabaabka ku leeyihiin tuwiterka ayaa waxa sidoo kale lagu shegay in warkasi ay xaqiijiyeen xafiiska warfaafinta Shabaab.

Waqti hore Al-shabaab waxa ay degmada Jilib ee G-jubada dhexe kusoo bandhigtay laba sarkaal oo kenyaan ah oo ay ka soo qabsadeen dagaal ka dahacy sodinta ay wadagaan Somalia iyo Kenya.

AMISOM wax war ah kama soo saarin warka Al-shabab ay ku shegatay in ay gacanta ku hayaan askar AMISOM ka tirsan oo ay bartooda ku sheegten.