Uncategorized

Afhayeenka Villa Soomaaliya:Faroole waxaan kala hadalay Doorashooyinka Puntland

Nairobi June 07,2013(SDN)-Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Yariisoow oo saxaafada kula hadlay magaalada Nairobi ayaa ka waramay kulan xalay magaaladaa ku dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

Afhayeenku waxa uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya aanu madaxweynaha Maamulgoboleedka Puntland arimo ay ka mid ahaayeen Doorashooyinka Puntland looga diyaar garoobayo.

Afhayeen Cabdiraxmaan Yariisoow ayaa sheegay in aaney waxba ka jirin in labada masuul ka wada hadleen arimaha Jubooyinka.

“Puntland waa maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya madaxweynaha Puntland mas’uul kama ahan arrimaha Jubbooyinka dowladda ayaana mas’uul ka ah Jubbooyinka waxa ayna iclaamisay shir looga hadlayo maamul u sameynta Jubboyinka ee madaxweynaha waxa uu Faroole kala hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka Puntland”.ayuu yiri afhayeenku.

Kulanka labada dhan xalay dhexmaray ayaa la shaaciyay in lagu kala kacay ka dib kolkii la isku afgaran waayay qodobo ay ka mid yihiin Jubooyinka.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com