Hargaysa 07.June (SDN) Kulan howleed Muddo laba maalmood ah u socday Maayirada Degmooyinka Derajada kowaad ee dalka ,lagagana hadlay sidii kabka Dawlada dhexe ay siiso Dawladaha Hoose loogu isticmaali-lahaa dhinaca mashaariicda hurumarineed ee degmooyinka, isla markaana loo dar-dar gelin lahaa Howlaha dhinacyada cashuuraha iyo dakhli kobcinta dawlada hoose ayaa maanta lagu soo geba gebeeyey magaalada Hargeysa.
Xidhitaankii Kulan howleedkan waxa halkaasi ka hadlay Maayirka Degmada Berbera C/shakuur maxamed xasan, waxaanuu sheegay,in mudadii laba maalmood ahayd ee kulanku u socday ay ka faa’iidaysteen wax-yaabo badan ,kuwaasi oo uu sheegay, inay ugu muhiimsan yihiin laba qodob oo kala ah, in cashuurta dadweynaha laga qaado iyada oo la raacayo amarkii madaxweynaha kaasi oo ahaa In 35% lagu celiyo degmo kasta si wax lagaga qabto horuumarinta degmada.isaga oo uu xusay , maadaama ay yihiin Golayaal cusub inay intaas loo qoondeeyey in lagu celiyo ay ka sii badiyaan si ay degmooyinku dhinaca horuumarinta ugu tartamaan.
Mud,C/shakuur, waxa uu dadweynaha u soo jeediyey, in Muwaadinku uu marka hore noqdo cashuur bixiyi si uu markaasi u helo ayuu yidhi Horuumar iyo adeega aasasiga ah ee noloshiisa uu u baahan yahay .waxaanuu intaa ku daray,in marka muwaadinku uu bixiyo cashuurta Dawlada Hoose iyo Ta dawladda dhexeba , uu markaasi heli karayo adeegyada horuumarineed ee uu baahanyahay,. Waxaanuu sheegay inaan cashuurta oo la bixiyo la’aanteed wax horumar ah la gaadhi Karin.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
