Uncategorized

Xulalka Gobolada Saraar iyo Badhan oo Awood ku Muquuniyay Xulalka Sanaag iyo Saaxil

Hargaysa 07.June (SDN) Xulalka Gobolada Saaxil,Badhan,Saraar iyo Sanaag ayaa maanta wada yeeshay Ciyaaraha Tartanka Gobolada Somaliland ee Ka Socda Garoonka Hargaysa Studium .

Xulka Kubada Cagta ee Gobolka Saraar ayaa Qaybtii 1aad ee Ciyaarta ay la Yeesheen Xulka Gobolka Sanaag waxa ay Kubad Qurux badan ku Xareeyeen Shabaga Dhigooda Gobolka Sanaag,Qaybtii labaad ee Ciyaarta markii la isugu soo laabtay ayaa Kubad laga soo shaqeeyay Waxaa mar kale ku hubsaday Goolka Gobolka Sanaag Xidiga u Ciyaara Gobolka Saraar Waxaana Ciyaartan ku hogaaminaya Sadex Gool iyo Hal Xulka Saraar,hasa yeeshee Daqiiqado kadib ayaa Xulka Gobolka Sanaag waxa ay la yimaadeen Goolkoodii kowaad,Gabo gabadii ayaa Mar kale waxaa u Suuro gashay in Xulka Gobolka Sanaag waxay la Yimaadeen Goolkoodii 2aad,Sidaas ayaanay Ciyaartaasi ku dhamaatay,Guushuna ku raacday Xulka Gobolka Saraar.

Xulka Gobolka Saraar waxaa Sadexda Gool ee Guushu ku raacday u kala dhaliyay Ciyaar yahanada Afka hore uga Ciyaara ee la kala yidhaa Rooble oo Sita Nombarka 18 oo u Saxeexay laba Gool,halka Goolka Sadexaadna uu u dhaliyay Ciyaar yahanka lagu magacaabo Cabdi Samad Dhulu,oo Sita Nombarka 20aad.

Dhinaca Gobolka Sanaag waxaa labada Gool ee Ciyaartan u Saxeexay  Ciyaartoyga lagu Magacaabo Siikaawi oo Xidhan Funaanada 9aad.

Dhanka kale Xulka kubadda cagta ee Gobolka Badhan ayaa maanta 1-0 kaga talaabsaday xulka gobolka Saaxil oo ay wada yeesheen ciyaar aad u xiiso badan oo soo jiidatay dadweynaha garoonka ku sugnaa.

Ciyaartan oo aad u kululayd maadaama oo labada xulba ciyaartoodii hore laga soo badiyay, waxay labada xul ee Saaxil iyo Badhan-ba soo bandhigeen ciyaar adag oo is ceshanaysay isla markaana inta badan isu dheeli tirnayd.

Badhtamihii qeybtii hore ee ciyaartan ayaa ciyaartoyga magaciisu yahay Birimo oo Lambarka 7-aad u sitay xulka Gobolka Badhan uu u saxeexay goolka ay kaga adkaadeen xulka gobolka Saaxil oo ay ku wada jiraan qeybta labaad (Group B).
Qeybtii labaad ee ciyaarta xulalka Saaxil iyo Badhan ayaa aad uga sii kulalaatay qeybtii hore, waxaanay labada xulba iska lumiyeen fursado badan oo goolal noqon karayay.

Xulka kubadda cagta ee Badhan ayaa difaacday goolkoodii ay dhaliyeen qeybtii hore. Waxaanay ciyaartaasi ku dhammaatay 1-0 ay ku badiyeen xulka Badhan, waxa xulka Saaxil noqdeen xulkii horeeyay ee tartanka ciyaaraha goboladda ka hadha, maadaama oo labadii ciyaarood ee ay yeesheenba laga badiyay, waxa u hadhay ciyaarta sadexaad oo ay la yeelanayaan xulka Gobolka Hawd oo sita 4 dhibcood.

Halka xulka Gobolka Badhan ay ciyaarta sadexaad is haleeli doonaan xulka gobolka Daad-madheedh oo leh afar dhibcood.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com