Uncategorized

In Ciyaaryahannada Togdheer Qaadacaan Tartanka, Waxa ku Ceebaysan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

Sidaan wada ognahay waxa wadanka beryahanba ka socday ciyaaraha gobalada Somaliland oo Hargeisa ka socda, kuwaas oo si toos ah Adduunka oo dhan looga daawanayo shaashadaha TV-yada.

Ciyaarahan  oo loogu talo galay inay dadku isku dhexgalaan iyadoo laysku laab xaadhanyahay isla markaana dhiirigalin looga dhigo dhalinyarada isla markaana kor loogu qaado tayada sportiska dalka meeshana lagaga saaro qudhunka iyo qabyaalada oo xulkasta oo gobalka ay ka socdaan matalaan ee aanay matalin qabiil wa sida looga baahanyahay Sports caalamka meelna kama soo gasho qabyaaladi, Hadaba waxaad mooda wadankan Somaliland in marka ay bilaabmaan ciyaaraha gobaladu iyo waliba kaambaynka doorashooyinku ay qabyaaladii soo noolaato la islaha cidhib tira waa wax lala yaabo runtii ceebna inagu ah in maanta inagoo ciyaarihii gobaladu inoo socdaan oo dunida si toosa la inaga daawanayo In xulalkii gobalada ay saamayn wayn ku yeelato qabyaalada madhalayska ahi.

Xulka gobalka Togdheer u matalaya ciyaaraha kubada cagta ayaa baryahanba waxa ka dhex jiray is qabqabsi beelaysan Oo xitaa markii la soo xulaayay khilaaf badan dhalisay oo xitaa mar jadwalka laga saaray markii loo maaro waayay haddana nasiib wanaag xaga danbe lagaga daray jadwalka markii si dirqiya loogu heshiiyey koox xal ah oo aan xul ahayn isla markaana aan lagu soo dooran qaabciyaareedkooda oo wanaagsane nidaab qabiil walba ah lagusoo xushay taasina ay sababtay in markiiay Hargeisa yimaadan ay laba meelood kala dageen xulkii kasocday Togdheer isla markaana ay sababtay in si fudud looga badiyo ciyaartii u horaysay ee ay la ciyaareen Gabilay taasina ay noqotay wax lala yaabo in xulka matalaya gobalka Togdheer si fudud looga badiyo iyadoo la wada ogyahay inay xulka gobalka Togdheer ay taariikh fiican ku leeyihiin ciyaaraha gobalada Somaliland oo ay ka mid yihiin kuwa ugu koobab qaadista badan ciyaaraha gobalada Somaliland iyagoo walibana ,magac fiican ku lahaa xiliyadii dowladii Somaliya kana mid ah kuwa ugu taageerayaasha badan gobalada sababtoo ah gobalka Togdheer oo ah meel aad looga xiseeyo ciyaaraha kubada cagta.

Ugu danbayntii iyadoo madaxda dowlada Somaliland ugu saraysa kasoo jeedaan dhalasho ahaan gobalka Togdheer oo ugu horeeyo wasiirka ciyaaraha mudane Cali Siciid Raygal uu maanta shir jaraa,id ku qabtay Hargeisa sheegay in dhamaan ciyaartoydii matalayay gobalka Togdheer xabsiga loo taxaabay kadib markii ay ka bixi waayeen is qabqabsi beelaysan wa sida uu hadalka udhigayey isla markaan ay xulka Toghdheer maanta kasoo qayb gali waayeen ciyaartii ay la lahaayeen xulka gobalka Sool oo maanta iyagu saddex dhibcood oo nadiifa kala caraabay Hargeisa Stadium kadib markii ay laadad xor ah ku laadeen goolka ay kasoo xaadiri waayeen reer Togdheer, Waxaa arintan ku ceebaysan dowlada Somaliland maanta ka talisa oo waliba madaxda ugu sareeysa ay ku guul daraysteen in  arintan si toosa u xaliyaan waana arin iyaga xalinteeda laga sugaayo.

Allaa Mahad leh

Cabdiqani Ibraahim Selef (Kabtanka)

Hargeysa, Somaliland

realcabdiqani@gmail.com