Salaan kadaib akhriste mawduucan maanta ayanu soo qaadanay oo ah mid aad u baaxada wayn culayskiisana waxaa igu ka lifay oon u soo qaatay dhacdooyin layaab leh oo aan ku arkay dalkeen hooye gaar ahaam Caasimada Hargaysa,sidaa-daraadeed waxaa laga yaabaa inuu dheeraado meelo bada oo dunida guudkeeda ahna waa suurto gal inuu taabto ama inala soo maro sababtoo ah waxaynu u baahanahay in aynu sid cada u qeexno ugana hadlno amuurtaa cinwaankeena sare kuxusan,hadaba inta aynaa gudo galin dulucda iyo ujeedeena.balhada aynu bilawno hordh-ciisee .
kolk hore waynu ognahay in ay Noloshu sideedaba tahay hawl u joog, kuna dhex jirto xayndaab cidhiidhi ah oo ay ku hareeraysan yihiin turturooyin iyo booraamo ay la, daristahay.Runtiina la,guma soo koobi karo Qalin Iyo Warqada Xadaafiirta Nolosha ku gadaaman ee faraha badan balse hadaynu tusaalooyin koob-kooban ka soo qaadano Imtixanaadka Nolosha Caqabada ku ah hada iyo jeer waxaa ka midah Cudurada, Jahliga, fakhriga,dagaalada, abaaraha, duufaanada, IWM iyo bahashan mawduucu xanbaarsan yahay ee loo yaqaano Qab-yaalada oo ah inta la ogyahay ta, ugu aafada badan Cudurada Dunida ku habasday ee aynu soo xusnay oo dhamaantood Aadamaha kuah Cadaw Dilaaya iyadoo uu jiro culayskaa nolosha mar walba hortaagani meel kasteba ha ka soo jeedee iyo amuurahaa aynu soo sheegnay ayaanay hadanaShucuubta Caalamku marnaba ka niyada jabaan inay iska difaacaan aafooyinka ka hor yimaada jiritaanka Noloshooda iyo meesha ay higsanayaan.
Sidaa daraadeed waxay dagaal iyo halgan aan kalago, lahayn ugu jiraan hadh iyo habeenba sidii ay isaga caabiyi lahaayeen ugna Guulaysan lahaayeen wax yaalaha ka hor-imanaaya hab-sami u socodka Nolol Maaleedkooda aasaasiga ah iyagoo u taagan mar-walba sidii ay u jabin lahaayeen lahaayeen Xayndaabka Cadaawe kasta oo lidi ku ah Mustaqbalka ay higsanayaan ee dhaw iyo ka dheerba runtiina bani aadamku way jiidheen waxyaalo badan oo hortaangaan culaysna ku hayay danahooda oo ay ka mid yihiin waxyaalahaa aynu soo tibaaxnay iyo kuwo kale oo badaniba tusaale ahaan Cudurada oo kale waxay qaadaaday talaabooyin lagaga hortago sida wacyi galinta hadiyo jeer ay inoo soo jeediaan dhakhaatiirtu ama Talaalka lagaga hortago intaanu Xanuunku imanba.
Waan la daaweeyaan hadiiba ay ku dhacaan cuduradaas aynu soo sheegnay qaarkooda, kuwa aan dabiibkooda la,helina waxay u sameeyay wacyi galin dheerad ah oo Dadka loogaga digaayo halista Cudurkaasi leeyahay iyo sida aan dabiib loogu haynin,sida HV-idiska-ka oo kale, jahligiina waa laga tadawuray oo Cilmi baa laga bartay oo waynu og,nahay heerka laga,gaadhay aqoonta iyo tignoolajiyad casria ah ee wakhti xaadirkan,Fakhriga qudhiisa xoolo ayaa laga dhaqday noocay-doonaanba ha,ahaadane dhamaan amuurahaasi aynu soo sheegany badankooda waa la,muquuniyay inkastoo ay ka mid yihiin makhluuqaadka Alle abuuray oo ay soo noqnoqdaan hadana ilaahay (SWT) waa ku guuleeyay dadka in ay wax badan qabsandaan balse Qab-yaaladu maaha wax marnaba la waayo oo way joogtaa ka hortag iyo ka daba tag toona maleh lamana helin si kale oo looga gudbi karo.
Hadaba akhriste waxaynu hore ugu sii siqaynaa ujeedada aan Qalinka u qaatay iyo waxa uu daaran yahay mawduuceenuye oo ah Qabyaalda sidaad daraaded waxaan rabaa in aan iftiimiyo ama isku dayo bal inaynu wax ka ogaan bahshan loo yaqano Qab-yaalada ee ku xardhan Cinwaanka Mawduuceena.waxay tahay iyo xaga ay ka soo jeedaba,hadaba ugu horayn waxaynu is waydiinaynaa waa maxay Qabyaaladu? Xagee ayay ka soojeedaa? halkee ayay kaga jirtaa Cuduradaas aynu soo sheegnay? yaase ku dhaqma oo is ticmaala markaynu ka hadlayno shucuubta dunida ee ay ku jiraan Dadka ku hadla af-Somaligu? had iyo jeer yay dani ugu jirtaa oo wax ku hela tusaale haan markaynu ka hadlayno Dalkeena iyo xaaladiisa maanta? Maaha suurto gal in,aan isku koobo Su,aalahaas Jawaabtooda oon kaligay qaato balse waxaan jecelahay in ay ila wadaagan Bahda aqoon yahnaka iyo Dhalinyaraduba si uu mawduucu u noqdo mustaqbalka mid sii socda, laakiin dib ayanu ugu soo laaban-doonaaye jawaabta oo faah faahsane: aan ku horeeyo maxay ka qabto Diinteena suubani Qab-yaalada ee ay ka yidhaah-deen Kitaabka Alle (SWT) iyo Nabigeenii Suubanaa (NNKH) ugu horaynba Rasuulka Alle oo la hadlaayay qaar ka mida ah saxaabadiisii ugana digaayay xumaanta Qab-yaaladu ay leedahay wuxuu kuyidh (Dac fa,inahaa, Muntina) oo macneheedu yahay iskaga taga Qab-yaaladu waa Qadhmuune,markale wuxuu lahaa (Rasuulka Alle Al muslim akhi muslim) wuxuu yidhi muslimiintu waa walaalo kali ah waan jidh isku mid ah
W/Q: Feysal Ismaaciil Barre (Feysal-Toosh)
barre58@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland
