Hargaysa 12.June (SDN) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa maanta ka warbixisay diyaargarowga imtixaanaadka shahaadiga ah ee sanadkan oo ay u fadhiisan doonaan arday ka badan labaatan kun oo Arday oo isugu jira dugsiyada dhexe iyo sare.
Marwo Samsam oo maanta u Warantay Shabakada Qurbejoog.com ayaa sheegtay inay wasaarad ahaan si mug leh ugu diyaargarowday qabsoomidda imtixaankaasi oo bilaaban doona 15-ka bisha June oo ku began maalinimada sabtida ee soo socota, isla markaana la diyaariyey hawllwadeenadii ka shaqayn lahaa oo qaybtoodii ugu horaysay ay manta u ambabixi doonaan Gobolada Sool iyo Sanaag.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland waxa ay daaha ka qaaday in sanadkan ay si rasmi ah imtixaanaadku uga dhici doonaan gudaha degmooyinka Buuhoodle iyo Xudun, waxana ay ku dhiirrigelisay ardayda ka qayb qaadanaysa imtixaanaadka inay dejiyaan dareenkooda xiliga imtixaanku socdo isla markaana ku kalsoonaadaan kormeerayaasha iyo macalimiinta kale ee u xilsaaran kaantaroolka imtixaanka kuwaasoo ah kuwo si sharci ah loo dhaariyey.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
