Uncategorized

Ciyaaraha (Gobolada) Qabyaalada Somaliland ee sanadkan iyo Cawaaqib Xumadooda

Hargeysa June 12,2013(SDN)-Waxa Magaalada Hargeysa ee xarunta Jamhuuriyada Somaliland bishan June labadeedii laga furay ciyaarihii Gobolada dalka oo mudo dib u dhac ku yimi awgood bilo ka dib la qabtay.

Ciyaaraha oo sanadkani ay ka qeybgaleen gobolada Maroodijeex, Awdal, Gabiley, Hawd, Buuhoodle, Sool. Sanaag, Badhan, Saraar, Tog-dheer, Saaxil, Salal iyo Daad-madheedh ayaa lahaa xiiso gaar ah.

Balse Tartanka ayaa markiiba isu bedelay mid Qabyaaladeysan oo badheedh ah tiyoo ay masuuliyiinta qaranku hormuud ka yihiin tartanka qabyaaladeed.

Waxa aad warbaahinta qarnka ku arkeysaa Mudaneyaal ka tirsan golleyaasha Qaranka oo kulamo u qabanaya Ciyaartooyda Gobolada ay ka soo jeedaan.

Sidoo kale waxaad arkeysaa Ganacsatada iyo Qurbejooga oo qudhooda qasanaya Qabyaalada oo Ciyaartoyda u kala xulanaya hab Qabiil

Waxa iyana aad arkeysaa tiyoo saxaafadu ay si gaar ah culeyska u saareyso kooxaha kolba gobolada ay ku abtirsadaan.

Habdhaqankaasi waxa uu dib u dhac ku noqonayaa nidaamkii Qabyaalada ee laga soo gudbay.

Waxaanu horseedayaa in masuuliyiinta qaranku iloobaan in dalka oo dhan ay isku si ugu adeegaan.

Waxaana dhici doonta hadana bilaabatay in masuuliyiinta Qaranku degaanada aaney ka soo jeedin wax ahmiyada siin adeegyada ay u baahan yihiin.

Qabyaaladan bareerka ahi waxa ay xoogeysatay intii xilka ay iminka heysay Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Waxaana markii u horeysay la arkay tiyoo ciyaartooy ka soo wada jeeda Gobol ay ku dagaalamaan nidaam qabyaaladeed.

Si kastaba ha ahaatee Ciyaaraha ayaa hore uga mid ahaa waxyaabaha loo adeegsado in bulshada la isugu soo dhaweeyo hadase waxaad moodaa in loo adeegsanayo in mujtamica lagu kala dilo.

Waxaaney wax ka qabashada arinkani u taalaa bulshada sportiga in ay wax ka qabato oo walaaltinimadeeda dhawrato.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com