Uncategorized

“Qof dhinabane ah oo aan sharcigiisii fulin sharci kale laguma qaadi karo” Maxamed Xasan Dirir Waddani {DHAGAYSO}

Hargaysa 12.June (SDN) Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Meel adag iska taagay Talaabadii ay Waaxda Garsoorka oo ay dabada ka riixayso Waaxda Fulinta oo Xukuumada ah ay albaabada ugu laabatay Wargayska Hubaal oo ka Mid ahaa Warsidayaasha Madaxa Banaan ee ka soo baxa Caasimada dalka ee Hargaysa .

Xisbiga Waddani waxa uu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Xukuumadiisu ay  doonayaan  inay shacabka dhagaha qabato,Si aanay Bulshadu Waxba u Maqlin,Isla markaana Meesha looga saaro Madax-banaanidii iyo Xoriyadii saxaafadda.

Waxaana Hadalkan Maanta ka Sheegay Xarunta Xisbiga Waddani Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani Maxamed Xasan Dirir.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WADANIHUBAAL.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com