Hargaysa 14.June (SDN) Dawlada Hoose ee Caasimada Hargaysa ayaa hawl gal balaadhan oo ku Wajahan banaynta wadooyinka Waxay Maanta ka fulisay Degmada Axmed Dhagax ee Caasimada Hargaysa .
Hawlgalkan oo ay dawlada Hoose ka fulisay qaybo ka mid ah Degmada Axmed Dhagax waxaana Hawl galkaas hor kacayay Gudoomiyaha Degmadaas Mawliid Kayse iyo Xildhibaan Saleebaan Daahir Dogox oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Caasimada.
Gudoomiyaha Degmada Axmed Dhagax ayaa Sheegay inay baneeyeen Wadooyin Cusub isla markaana Suuqa Inji ay ka rareen dad si Sharci daro ah u degay,waxa uu Gudoomiyuhu intaas ku daray in Wadooyinkan laga dhigayo Laami taas oo ay iska kaashanayaan Kharashka ku baxaya dadweynaha ku dhaqan Degmada Axmed Dhagax iyo Dawlada Hoose ee Caasimada Hargaysa .
Geesta kale waxa uu Gudoomiyuhu ugu baaqay Bulshada ku dhaqan Degmada Axmed Dhagax inay iska bixiyaan wixii cashuuro ah ee dawlada hoose ay ku leedahay.
Gudoomiyaha Suuqa Inji Maxamed Xasan Indho Cade ayaa isaguna Sheegay in Suuqa Inji Mudooyinkii u danbeeyay laga hirgliyay dhismayaal Cusub oo kor u qaaday Ganacsiga iyo bilicda Suuqaas.
Xildhibaan Saleebaan Daahir Dogox oo Ka tirsan Mudanayaasha Golaha Deegaanka ayaa gaba gabadii Sheegay in Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa ay Xil balaadhan iska saarayaan dib u soo celinta bilicda Guud ee Magaalada Hargaysa oo ah Muraayadii dalka,Waxaanu ugu baaqay Bulshada ku nool degmada Axmed Dhagax inay kaalintooda ka qaataan arrimaha horumarka ee ay u baahan yihiin.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
