Addis Ababa 14.June (SDN) Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ka baxday heshiis la saxiixay waqtigii gumaysiga oo xaqa ugu badan ee adeegsiga biyaha webiga Niilka siinayo Sudan iyo Masar.
Dowladda Itoobiya waxay ku doodaysaa in heshiiskan, oo la kala Saxeexday 1929-kii, uu waqtigiisu dhammaaday,Dowladda Masar ayaa sheegtay inay si weyn uga soo horjeedda tallabadan ay qaadday Itoobiya.
Madaxweynaha Masar, Maxamad Mursi, ayaa horey u sheegay in dalkiisu ay u furan tahay waddo walbo oo lagu joojin karo dhismaha biyaxireenka ee Itoobiya ay ka dhisayso webiga Niilka.
Dadka reer Masar ee gaaraya 84-ta Milyan waxay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin webiga Niilka.
Dowladaha ku yaalla Bariga Afrika ee uu soo maro webiga Niilka ayaa dhowr jeer oo hore isku dayay in dib looga hadlo qodobada heshiiska la saxiixay xilligii gumaysiga oo Sudan iyo Masar oo keliya u oggolaanayo inay dhisan karaan biyo xidheenno.
Ra’isal Wasaaraha Itoobiya ayaa isagu Mar sii Horaysay waxa uu ka dalbaday siyaasiyiinta Masaarida inay dib u eegaan mowqifkooda aan laga caawin karin ee biyo xidheenkaas.
Waxaanu sheegay in haddii ay Masar dagaal ku gasho biyaha Nile ay noqonayaan hoggaamiyayaashii ugu waallnaa ee soo mara dalkaasi,Sidaana waxaa Yidhi Ra’isal Wasaare Haila Mariam.
Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Waxa uu ku booriyay Madaxda Masaaridu inay yimaadaan miiska wada hadalka iyo iskaashiga oo ay ka wada xaajoodaan sida faa’iidada u leh labada dad ee saaxiibka ah.
Si kastaba ha ahaatee dawlada Masar ayaa iyadu Cod dheer kaga digtay talaabada ay Itoobiya ku samaysanayso Biyo Xidheenka ay ka hirgalinayso awooda Korontada oo dhan 6,000 WM.
Khilaafka ka faa’iidaysiga Biyaha Niil ee Ka dhex Curtay Masar iyo Itoobiya ayaa laga cabsi qabaa inuu sababo dagaal faraha lagaga Gubto oo labada dal ka dhex bilaabma,maadaama aanu dhinacna ogolayn inuu ka Tanaasulo damaciisa.
Addis ababa SDN.
Qurbejoog.com
