Uncategorized

Mareykanka:Xukuumada Syria ay sun ku gumaaday Shacabkeeda

New York June 14,2013(SDN)- Dawlada Mareykanka ayaa shaacisay baaritaan ay sameysay ka dib in xukuumada Syria ay shacabkeeda ku gumaaday sunta sida xun wax u gumaada.

Warbixinta ayaa waxa taageeray oo xaqiijiyay dawlada dalka Britain oo dhankeeda isgarab taagtay xaqiiqada ku xusan warbixinta.

Syria

Dawlada Syria iyo asxaabteeda Ruushka iyo China ayaa qaadacay warbixintan xuseysa in sunta wax gumaada ay isticmaaleen ciidamada dawlada Syria.

Xukuumada Syria ayaa Mareykanka ku eedeysay labo-wejiilenimo ku wejahan dagaalka lagula jiro argegixisada caalamka.

Dawlada Syria ayaa mucaaridka ka soo horjeeda ku eedeysa in ay yihiin xagjiriin iyo burcad duulaan ku ah kala danbeynta.

Mareykanka ayaa hore ugu hanjabtay in hadii xukuumada Syria ay ka gudubto xadka Isticmaalka hubka sunta ah ay taageeri doonto mucaaridka hubeysan.

SDN-New York

contact@somalidiasporanews.com