Uncategorized

Booliska St Louise oo ka Warbixiyay nin Soomaali ah oo Magaaladaa dad ku laayay

ST. LOUIS June 14,2013(SDN)-Booliska magaalada StLouise ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in nin Soomaali ah uu ka danbeeyay dilal toogasho ah oo magaaladaasi maanta ka dhacay

Axmed Dirir ayaa muuqaal laga daawaday kiyoo la doodaya shaqaalaha xarun adeeg caafimaad looga fidiyo dadka da’ada ah ee aqaladooda lagu booqdo.

Dirir ayaa Videoga ka soo muuqanaya kiyoo dood adag kula jira qaar ka mid ah shaqaalaha xarunta.

Mudo yar ka dibna waxa la arkayaa Rasaas gidaarada qabsaneysa oo ku dhacday qaar ka mida shaqaalaha xarunta.

Rasaasta ayaa dishay Khadra Muse oo 44 jir ah,Saciid Cabdulahi oo 29 jir ahaa iyo  Bernice Solomon-Redd oo 54 jir ah.

Sidoo kale Axmed Dirir ayaa isna is-toogtay oo la arkay meydkiisa oo Pistoladi ag taalo.

Booliska ayaa sheegay in la aaminsan yahay in Axmed Dirir uu lahaa meherada toogashooyinku ka dheceen.

SDN-St louis

contact@somalidiasporanews.com