Hargeysa June 15,2013(SDN)-Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa haatan u muuqata mid ku hafatay caqabado dhawr ah oo is-biirsanayay sanadihii u danbeeyay.
Wax ka qabashada caqabadahan siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale ayaa soo jidanayay Siyaasiyiin iyo shicib juhdi badan geliyay ka faaloonta xaaldahaasi.
Haatanse waxa la soo gaarey xiligii ay cid waliba oo aragta xaalad wax ka qabasho u baahan in ay la soo xaadirto sidii wax looga qaban lahaa.
Waa la wada arkaa waxqabadka iyo khaladaadka Xukuumada Somaliland waxaanse weli soo xaadirin cid tiraahdaama soo jeedisa sidii aqabadaha qaar wax looga qaban lahaa.
Hadii bulsho laga waayo mufekeriin la shir yimaada tabo looga gudbo kolba marxaladii soo kororta waxa dhacda in wada jir bulshadaasi u dunto.
Sidaa awgeed waxa muhiim ah in la isbarbar wado feejignaanta muhiimka u ah in xukuumada la xakameeyo isla markaana loo soo bandhigo afkaar sixida.
Somaliland yaa ah dal aan weli la aqoonsan oo aaney bulshadeedu u dhaqmi karin ama soo minguurin karin habdhaqanka dawladaha caalmka laga ictiraafsan yahay.
SDN-Hargeysa
contact@somaidiasporanews.com
