Uncategorized

Jubaland oo Soo dhaweysay baaqii Qaramada Midoobey ka soo saartay Jubooyinka

Kismaayo June 15,2013(SDN)-War ka soo baxay maalmulkii dhawaanta looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee Jubaland ayaa lagu sheegay in lagu soo dhaweeyay baaq ka soo yeedhay gollaha amaanka ee Qaramada Midoobey.

Gollaha amaanka ayaa fadhi uu shalay yeeshay waxa uu uga xaajoodey xaalada Soomaaliya waxaanu baaq nabadeed u jeediyay dhinacyada isku haya Jubooyinka.

Qoraalka ka soo baxay Jubalandna waxa lagu sheegay in maamulkaasi soo dhaweynayo baaqa nabada ee Golluhu soo jeediyay.

“Maamulka Jubaland waxa uu Soomaalida iyo beesha caalamaka ugu baaqayaan in ay qaadayaan tilaabo walba oo amaanka lagu sugayo”ayaa lagu yiri qoraalka Jubaland.

Maamulka Jubaland ayaa qoraalka ku sheegay in ay jirto isfaham waa u dhexeeya dawlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamuladadalka ka jira.

Waxaaney ku baaqeen in beesha caalamku ay dhexdhexaadin u sameeyaan dhinacyada Soomaalida.

SDN-Kismaayo
contact@somalidiasporanews.com