Uncategorized

AMISOM oo isku gedaamay Xaafadaha degmada Huriwaa ee Muqdisho

Muqdisho June 15,2013(SDN)-Ciidamada Africa ee AMISOM oo ay weheliyaan kuwa ka amarka qaadata dawlada Soomaaliya ayaa maanta buuxdhaafiyay wadooyinka dhexmara degmeda Huriwaa.

Ciidamada ayaa waxa ay aqal aqal u baarayaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmeda Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Isu socodka gaadiidka iyo shicibka ayaa gebiahaanba la xayiriay maanta oo welina baaritaanadu ay socdaan.

Ciidamada ayaa la arkayay iyaga oo aagaga ay baarayeen iyaga oo ka kexeystay dad faro badan oo aaney cadeen waxa lagu heysto.

Dawlada Soomalaiya iyo ta gobolka ayaan haba yaraatee ilaa iyo haatan ka hadal hawlgaladan maanta ka socda xaafadaha caasimada dalka.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com