Uncategorized

NUSOJ oo Bulshada ka Tacsiyadeysay Geeridii Naxdinta leheyd ee ku timi Xasan Kuuriya

Muqdisho June 15,2013(SDN)-Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ waxa uu wax laga
naxo ku tilaamay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid mid ka mid ah
suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

Xoghayaha Guud ee Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed, Mr.
Maxamed Ibrahim ayaa isagoo ku hadlaya magaca suxufiyiinta
Soomaaliyeed iyo tan bahda warfaafinta uu tacsi tiiraanyo leh u
dirayaa dhamaan suxufiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo
qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum weriye Xasan
Maxamed Ismaciil oo maanta ku harqaday badda, isagoo ku daabalanaya
xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Waxaana Alle uga baryeynaa in
Janatu Fardowso ku abaal mariyo. Aamiin.

Geeridu waa xaq, Inaa Lilaahi wa Inaa Ilaahi Raajicuun.