Uncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgeli Doona Shirka Wadamada ku Bahoobay Ururka G8

London June 15,2013(SDN)-Madaxweynaha dawlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqanaya dalka Britain ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo shirka wadamada hore u maray ee ku bahoobay ururka G8.

Waa markii u horeysay ee madaxweyne Soomaaliyeed lagu casuumo ka qeybgalka shir ay yeelayaan sideeda wadan ee dunida ugu dhaqaalaha horeeya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar uu la hadlay saxaafada oo uu sheegay in uu shirkan ka qeybgeli doono ayaan raacin waxyaabaha u qorshesan in shirkan uu ka sheego.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaase sheegay in ka qeybgalka shirkani uu yahay fursad weyn oo Soomaalidu heshay.

”Shirka G8-ka sanadkan ahmiyad gaara ayuu inoo leeyahay,guul ayey inoo tahay in shir sidaas u weyn nalagu marti qaado” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Shirka wadamada ku bahoobay ururka G8 ayaa lagu waday in ay ku qaadaa dhigaan xaaladaha dhaqaale ee dalalkooda iyo caalamka ka jira.

Qorshahaas ayaa haatan is bedelay ka dib kolkii Mareykanku shaaciyay in uu hubeynayo mucaaridka dawlada Syria.

Goaankaas ayuu Mareykanku qaatay ka dib kolkii uu ciidamada Syria ku eedeeyay in ay xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda ku weerareen sunta Serin.

Shirka ayaa lagu wada dhawrka maalmood ee uu socdo in looga doodo sidii ururku goaan mideysan uga qaadan lahaa xaalada dalka Syria.

SDN-London
contact@somalidiasporanews.com