Uncategorized

Magaalada Hargaysa oo Maanta lagu Aasay alle ha u Naxariiste Marxuun Xildhibaan Axmed Weyne iyo Madaxweyne Siilaanyo oo tacsiyadeeyay

Hargaysa 15.June (SDN) Madaxweynaha Somaliland mudane  Axmed Maxamed Maxamud  ayaa maanta ka qayb galay Aas Qaran oo loo sameeyey Marxuum Axmed Ibraahim Daahir (Axmed Weyne) oo ka tirsanaa golaha wakiilada Somaliland, habeenkii xalay ahaa ku geeriyooday magaalada hargaysa.

Xildhibaan-Axmed-WayneMarxuumka oo maanta lagu aasay xabaalaha Xeedho ee magaalada hargaysa ayaa waxaa kaloo aaskiisa ka qayb galay Gudoomiyaha Golaha wakiilada JSL ahna gudoomiyaha Xisbiga waddani Md cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (C Cirro), madaxda kale ee xisbiyada Qaranka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan golayaasha Qaranka, madax dhaqameedyo iyo dadweyne faro badan.

Madaxweynaha JSL ayaa tacsi u diray dhamaan ehelkii, iyo guud ahaanba shacabka Somaliland oo uu ka baxay Ex Xildhibaan Axmed Ibraahim Daahir (Axmed Weyne), waxana uu ilaahay uga baryey inuu samir iyo iimaan ka siiyo isagana naxariistii janno ka waraabiyo.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com