Uncategorized

Dawladda Boqortooyada Britain Oo Maanta Go’aansatay,In Dalkeeda Laga Joojiyo Jaadka

London 3Jun13(SDN) Dawladda Boqortooyada Britain oo maanta go’aansatay, si kama dambays ah, in jaadka laga joojiyo dhulkeeda. Wax loo shan-tiriyo ba, wax laga dhur-sugo ba, wax hooyooyinka Soomaaliyeed ee UK ku dhaqani ay kor iyo hoos u ooyaan ba, maanta ayaa warkii yimid. Waxa la go’aamiyay inuu yahay jaadku daroogo darajada ‘C’, ayna tahay in la mamnuuco. Waxay tahay, dhab ahaan, inay dadka Soomaaliyeed ee dhulkan ku dhaqani warkan u dabaal dagaan.

Khaadka in la jinaayo warka ku saabsani saaka ayuu ku soo baxay bogaga wararka ee BBC da midkood, laakiin xansi buu ahaa ee war rasmi ah ma ahayn. Kolkii aan warka maqlay baan la hadlay af-hayeenka Wasaaradda Daakhiliga, waxaanay ii sheegtay in war rasmi ah imika uun la soo saaray oo baarlamaanka laga hor akhriyay, website kooda na la galiyay. Aqalka Wakiiladda ee House of Commons loo yaqaano waxa warkan ka hor akhriday Theresa May oo ah Wasiiradda Daakhiliga; Lord Taylor oo ka yimaada Holbeach na wuxu ka akhriyay aqalka House of Lords ka ee odayaasha. Warka waxa lagu bilaabay fariin cadaan ah, waxaana lagu soo khatimay fariin kale oo cadaan ah. – “The government will control khat under the Misuse of Drugs Act 1971 as a Class C drug. – Dawladdu waxay joojinaysaa jaadka iyadoo lagu daraayo daroogooyinka darajada ‘C’, waxaana lagula tacaalayaa sharciga si-xun u adeegsiga daroogooyinka ee 1971. Waxaana lagu soo gabagabeeyay, “The government will ban khat so that we can protect vulnerable members of our communities and send a clear message to our international partners and khat smugglers that the UK is serious about stopping the illegal trafficking of khat.” – Dawladu waxay mamnuucaysaa jaadka si ay u ilaaliso dadka nugul ee ka mid ah bulshada wadankan, iyo si ay fariin cad ugu dirto wadamada caalamka ee kale iyo kuwa qaadka kootarabaaniya, una sheegto inay dhab ka tahay joojinta ka ganacsiga sharci-darada ah ee jaadku.”

Halkan ka aqriso goaanka oo Home officeka (Laanta Megareeshinaka uk ay ku dabacday boogeeda)

Guji Halkan:

https://www.gov.uk/government/news/khat-to-be-made-a-class-c-drug

qubejoog.com

Uk London