Uncategorized

Xisbiga UCID oo Si Kulul u Canbaareeyey Xukunkii Xadhiga & Ganaaxa Ahaa Ee Ay Xukuumadu Ku Ridey Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal

Hargeysa July 04,2013(SDN)-Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa si adag u canbaareeyay xukun shalay ay maxkamada Hargeysa ku riday laba wariye oo ka tirsan jariirada Hubaal.

Qoraalaka oo dhameystiran ayaa sidaa u qornaa;Waxaanu Si adag U Canbaareyneynaa Xayiraadii,Xunka,Xadhiga,Xabsiga,Xadiga Lacagta ah ee lagu Ganaaxey iyo Xeerla,aanta aan Loo marin Xadhigooda (Madani iyo Xeerka Saxaafada S/land )

Wargeyska Hubaal Waxaa ay imika Xayiraadi Saarneyd Mudo Dhan 21 cisho kaas oo aan isna loo marin Sifo Sharciya oo Ciidamadda Amaanka Iyo Ciidamadda Sida Gaarka Ah U tababaran Ee Ka hortaga Argagixisada Ee Loo Yaqaan RRU ay Qufulo Waaweyn Ku Xidheen

Hadaba Waxaa aanu Cod Dheer Ku Canbaareyneynaa Xukunka Arxan Darada Ah Ee Lagu Gawracey Xoriyatul Qawlkii Saxaafada Madaxa Banaan Ee Jamuuriyada S/land

Waxaa Sidoo Kale Si Adag Aanu U Canbaareyneynaa

Falkii Foosha Xumaa Ee ahaa (isku Day Dil) ee Loogu Soo Dhacey Xarunta Wargeyska Hubaal isla markaana Waxyeelo (Dhaawac ) LooGu Geystey Hawlwadeenadii Wargeyska Hubaal, Oo aan iLaa imika Waxba Laga Qaban Oo aan Xataa Dacwad Lagu Soo Oogin Danbiilihii Danbiga Dilka Ah Gacanta Kula Jirey

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com