Jabuuti July 04,2013(SDN)-Maanta ayaa markii u horeeysay magaalada Jabuuti waxa ku kulmay Xukuumada Jamhuuriyada Jabuuti iyo Dalada Mucaaridka ee USN oo dhawaan isla qaatay in wadahadal siyaasadeed labada dhan yeeshaan.
Macada wax labada dhan ka wada hadleen waxaase la filayaa in qodobada la isla soo qaaday ay ka mid yihiin maxaabiista siyaasadeed ee Xukuumada Jabuuti ay heyso in kolka hore la sii daayo.
Kadibna la gudo hawlo ay ka mid yihiin Doorashooyinkii muranka badan dhaliyay iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa nidaam dimuqraadiyaydeed oo dhidibo adag ku taagan.
Wadahadaladan ayaa ku soo beegmay maalin uun ka dib kolkii Afhayeenka Dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN Daahir Axmed Faarax xabsiga loo taxaabay.
Halkan kala soco kolba waxa ka soo kordha wadahadalada labadan dhan u dhexeeya.
SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com
