Hargaysa 04.July (SDN) Wasiirka wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sh.Khaliil cabdillahi Axmed,Ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay Gudoomiyaha Guddiga wanaag-farista iyo Xumaan reebista Sh/Maxamed Maxamuud Xirsi oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Gudiga wanaagfarista Gobolka Hawd C/risaaq Maxamed Yuusuf iyo Culimo kale oo ka tirsan Guddiga Gobolka Maroodi jeex.
Wasiirka iyo Culimada wanaagfarista iyo Xumaan reebistu Waxa ay kulan-koodaas kaga wada hadleen sidii loogu diyaar garoobi lahaa ku wacyi gelinta dadweynaha Bisha Ramadaan ee inagu soo fool leh iyo sidii ay dadku uga fogaan lahaayeen wax-yaalaha aan banaanayn bishaasi ee dadka qaarkood ku kacaan, iyo sidii bulshada loogu baraarujin lahaa sidii laysaga kaashan lahaa xal u helidda aafada Tahriibta oo culima ahaan dadweynaha looga wacyi-gelin lahaa .
Kulan-kaasi Ka dib Waxa Gudoomiyaha Guddiga wanaag-farista iyo Xumaan reebista Sh.Maxamed Maxamuud Xirsi iyo Culimada wehelisay ay socdaal wacyi-gelin ah ku tageen Magaalada Wajaale, halkaasi oo inta ay joogaan ay ku qaban doonaan Baraarujin iyo wacyi-gelin ku Wajahan Aafada Tahriibka, dhaqamada aan ku haboonayn anshaxa Diinta islaamka iyo sidii ay dadweynuhu ugu diyaar garoobi lahaayeen Bisha Barakaysan ee Ramadaanka ee kaabiga inagu soo haysa.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
